Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Hargeysa ka Furmay iyo Shir-guddoonka oo La Ansixiyey

 

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa Saaka Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka furmay shirkii 5aad ee golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxa ka soo qaybgalay ku dhawaad 375 xubnood oo golaha dhexe e ah. Waxa kale oo ka soo qaybgalay hogaanka xisbiga Kulmiye, walaw ay madasha iyo shirkaba ka maqan yihiin oo ay qaadaceen garabkii isbahaysiga musharixiinta Maxamed Biixi, Cabdicasiis Samaale iyo Axmed Kijaandhe iyo waliba wasiiradii iska dhawaan iska casillay xukuumadda Kulmiye oo iyagu taabacsan garabkan maanta shirka dibadda ka ah.

Kulmiye1 Kulmiye2

 

 

 

 

 

 

 

Waxa hadda la Ansxiyey Shir-guddoonka Golaha Dhexe oo uu guddoomiye u noqon doono Jaamac Shabeel, Guddoomiye-ku-xigeenka Maxamuud Jaamac Waxdad iyo Xogyahaha Xisbiga.

Waxa ogolaaday 338 xubnood, waxaana diiday 19. waxaana ka aamusay 18 xubnood.

Jaamac ShabeellGuddoomiyaha Golaha Dhexe ee Jaamac Shabeel waxa uu ballanqaaday in xilkaas si fiican u gudan doono, waxaannu furay shirkii 5aad ee xisbiga, iyadoo la ansixinaayo hadda ajendeha shirka oo ay soo jeedin doonaan.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isaguna shirka ka dhex caddeeyay in uu iskii uga tanaasullay musharaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.