Shirkadda Shidaalka ee HASS PETROLEUM oo lagu eedeeyey inay Maalgelisho Jabhad Hubaysan oo liddi ku ah Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda HASS PETROLEUM oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shidaalka soo Dejiya, ayaa lagu eedeeyey inay maalgelisho Jabhad hubaysan oo dhawaan lagaga dhawaaqay Deegaanno ka tirsan Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa sheegay in Dad asalkoodu reer Buuhoodle yahay iyo Shirkadda HASS Petroleum ay Maalgeliyaan Jabhad ka soo horjeeda Somaliland oo toddobaadyadii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka wadday deegaannada Buuhoodle iyo Carro-weyn.

Wasiirka oo maanta saxaafadda kula hadlay magalada Hargeysa, waxa uu si gaar ah eedayn ugu jeediyey Maamulka Guud ee Shirkadda Hass Petroleum oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi liddi ku ah Somaliland maadaama oo uu sida uu sheegay uu ku koray magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

https://www.youtube.com/watch?v=AhPbEOY2yA0&feature=emb_title

Dhinaca kale, masuuliyiin shirkadda HASS ee Somaliland oo arrintan ka hadlay, ayaa gebi ahaanba beeniyey eedaynta wasiirku u jeediyey shirkaddooda, iyagoo ku gooddiyey inay sharciga la tiigsanayaan haddii Wasiirku keeni waayo caddeyn ku-filan oo uu eedayntiisa u markhaati furaysa.

Somalilandpost.net