Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL oo Ceerigaabo ku Daah-furtay Adeegga 3G ee maqal muuqaalka ah

Ceerigaabo, 23 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL ayaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag ku daah-furtay adeegga casriga ah ee 3G loo yaqaanno kaas oo aanay hore u gaadhsiin gobolkaa.

Xaflad ballaadhan oo Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Ceerigaabo ku daah-furtay adeegga casriga ah  ee 3G  ayaa lagu qabtay Hudheel Mahuraan ee magaalada Ceerigaabo, xaflddaas oo ay ka soo qeybgaleen madaxda Shirkadda SOMTEL, madaxa xidhiidhka dadweynaha C/Naasir Cawad Muuse, xidhiidhka Gobollada Aadan C/llaahi, C/Naasir Cumer Cilmi media production maamulaha SOMTEL ee magaaladda Ceerigaabo, Badhsaabka Gobolka,Aadan Diiriye Cigaal  ku xigeynka maareeyaha Gobolka Snaag, Gudoomiyaasha Jaamacadaha, salaadiin, cuqaal,waxgarad iyo bulshadda qeybaheeda kaladuwan. ugu horeyn waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyay maamulaha shirkadda SOMTEL ee magaaladda ceerigaabo Axmed Ibraahim  oo ku dheeraaday in shirkadda SOMTEL ay tahay shirkaddii ugu horeesay ee la yagleelo magaaladda Ceeigaabo, waxa kale oo uu maamuluhu isdul istaagay in shirkadda SOMTEL adeegyadda kaladuwan ay shirkaddu haatan bixiso isgoo tilmaamay in shirkadda SOMTEL ilaaliso macaamiisha jeebkooda, Aadan A/Laahi oo xidhiidhiyahayaha Goboladda oo isna timaamay faa’idooyinka uu adeegani u leeyahay Bulshadda ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo khaasatan Gobolka Sanaag, Aaadan isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu isdul istaagay in shirkadda SOMTEL tahay shirkaddii ugu horeesay ee keenta adeegga 3G ama jiilka saddexaad soomaliland

Madaxa xidhiidhka dadweynaha Cabdi Naasir Cawad (Donyo) oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in shirkadda SOMTEL ku guulaysatay keenitaanka adeega 3G magaaladda Ceerigaabo oo u jirta caasimadda  Hargiesa qiyaastii 700 oo Km C/Naasir isagoo tilmaamay faa’idooyinka 3G ama jiilka sadaaxad shhegayna in maanta reer ceerigaabo nasiib u yeesheen in ay u wada hadlaan si’ maqal iyo muuqaal ah kana faa’idaysanayaan internet aad xawaarihiisu u sareeyo, waxaa kale oo isdul istaagay C/Naasir doorka ay shirkaddu kaga jirto adeegyadda Bulshadda sida caafimadka, waxbarashadda, ciyaaraha, taakulaynta caruurta darbijiifka ah iyo kor u qaadista isku xidhnaanta bulshadda isagoo tilmaamay in shirkaddu hashiisyo lagashay shirkaddo caalami ah sida shirkadda GOOGle oo iyo kuwo kale oo badan. Gabagabdii waxaa xafladda soo xidhay Badhasaabka Gobolka Aadan Diiriye Cigaal isagoo sameeyay gudoomiyuhu tusaalaha 3G ama aadeegan maqal iyo muuqaalka ah toosna ula hadlay caasimadda Hargiesa si maqal iyo muuqaal ah.

Waxaa kale oo xafladdaa ka hadalay Ku-xigeynka mayor-ka ceerigaabo Mahamoud Cawad Ducaale, Prof Jaamac Xasan Xuseen Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika, Maxamuud Ducaale Anwar godoomiyaha Jaamacaadda Sanaag, oo dhammaantood soo dhaweeyay Adeegga 3G ee maqal iyo muuqaalka ah kuna amaanay wax qabadka muggaleh ee shirkaddu ka geesato Arimaha Bulshadda sida adeegii 999 ee dhawaan ku wareejiyeen xarunta Police-ka ee Heeganka iyo horumarka ay ka sameesay dhanka isgaadhsiinta gabagabadi shirkada somtel waxay abaal marin siisay dadwaynihi ka soo qayb galay sida badhasaabka mayir ku xigeenka gudoomiyasha jamacada saladiinta gobolka iyo qar ka mida dadwaynihi ka soo qayb galay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net