Shirkadda ALNUUR Furniture oo shaacisay 6 bilood oo Qiime-dhimis ah & Fursado kale

Hargeysa, (SLpost) – Shirkadda AL-NUUR Furniture ayaa si lexaad leh uga dhex muuqatay Carwada Ganacsiga Somaliland ee ka socota Hotel Maansoor, iyada oo markii ugu horreysay shaacisay fursado qiime-dhimis ah.

Shirkadda ALNUUR Furniture waxa ay bulshada u ballanqaadday in ay macaammiishooda u samaysay qiime-dhimis ballaadhan oo sii socon doonto muddo lix bilood ah (Illaa bisha June ee 2012).

Mulkiilaha shirkadda ALNUUR Furniture Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cid kasta oo iska diiwaangelisa madasha ay carwadu ka socotaa heli doonto qiimo dhimis aad u weyn oo socon doonta lix bilood.

Md. Cabdiraxmaan Nuur waxa uu sidoo kale xusay in ay sannad kasta qaban doonaan bakhtiyaa-nasiib ay abaal marinno ku bixinayaan, iyada oo la diiwaangelin doono qof kasta oo shirkadda wax ka iibsada, lana siin doono qoraallo damaanadqaad u ah. Mulkiiluhu waxa uu sheegay in ay sidan u yeeleen si ay u dhiirrigelinayaan macaamiishooda iyo cid kasta oo macaammiil ku soo xidha ba.

Dadweynaha soo booqanaya goobta ay carwadu ka socoto ee Maansoor ayaa si gaar ah u soo dhoweeyay qiime-dhimista ballaadhan ee shirkadda ALNUUR Furniture hirgelisay iyo muddada dheeraadka ah ee ay shirkaddu samaysay, iyada oo ay dadweyne badani durba isku diiwaangeliyeen macmiilnimada shirkadda.

Ugu dambaynna, Mulkiilaha Shirkaddu waxa uu dadweynaha u ballanqaadday in sidii ay hore ba uga barteen ay mar walba keeni doonaan qalab cusub oo casri ah, kaas oo ay ku qancaan macaamiisha shirkaddu.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda ALNUUR oo ay mayalka u hayaan hawlwadeenno halabuur leh, ayaa ku tallaabsatay horumar lexaad leh, isla markaasna kaalin mug leh kaga jirta taageerada bulshada jilicsan (sida agoomaha) iyo taabbagelinta horumarka dhaqaale ee dalka, iyada oo fursaddan qiime-dhimista ahina u muuqata daryeel kale oo ay shirkaddu u fidisay macaamiisheeda.

Shirkadda ALNUUR waa shirkadda ugu weyn ee ka ganacsata agabka xafiisyada, guryaha iyo guud ahaanba Furnuture-ka ee somaliland ka hawlgasha, iyada oo wada-shaqaynna la leh shirkado badan oo Caalami ah, isla markaasna dalka ku iibisa agab casri oo tayadiisu sarrayso.

Somalilandpost.ent

contact@somalilandpost.net