Shirkada Isgaadhsinta ee SOMTEL oo Adeeg Cusub ku soo kordhisay Wax-qabadyada ay Bulshada U samayso

[H]argeysa(SLpost)-Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somtel ayaa soo Badhigtay Adeeg Cusub oo la yidhaahdo DALMAR kaas oo ka shaqeyn doona 201 Waddan oo ku yaala Daafaha Dunid, Sidaasi waxa ay ku sheegen Shirjaraaid oo ay maanta qabteen Madaxda Sarsare ee Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel, Shirkaasi waxa ay ku qabteen Xarunta Guud ee Shirkada Somtel ee Maglada Hargeysa.

Madaxdii halkaasi ka Hadashay wax ka mid ahaa Mareeyaha Shirkadda Somtel Cawil Saalax iyo Madaxda Hawlagalinta Shirkadda Somtel COO Md. Ahmed C/laahi Caynanshe iyo Madaxa Iibka iyo suuqgaynta ee Shirkadda Somtel Md Cabdinaasir Suleymaan .

Madaxda Suuqaynta Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee somtel oo ugu Horayn Ka Hadlay Adeegyadda ay Ku soo Kordhiyeen Shirkadda somtel ayaa sheegay inay Bulshadda reer somaliland ugu Bushaaraynayaan Adeegyadda Kala Ah Wardoon , Badbaado iyo Dalmar oo ay Shirkada somtel Ku soo Kordhisay Adeegyaddii Hore ee ay shacabka u Qaban Jirtay.

Waxanu sheegay in adeegani DALMAR ee ay soo kordhiyeen uu yahay mid ka shaqayndoona 201Waddan oo ku yaala Daafaha Dunid, Waxanu hoosta ka xariiqay in adiga oo wadamaadaasi jooga aad kaadhkaga uu kaga soo baxayo Shirkada Somtel.

Geesta Kalena Madaxa Hawlaha iyo shaqada ee shirkadda Somtel Cheif Operation Officer Md. Ahmed C/laahi Caynanshe ayaa Faahfaahin Ka Bixiyay sidda ay Adeegyadani u kala Shaqaynayaan Waxaanna isagoo Arrimahaasi Ka Hadlaya Yidhi “Adeega Dalmar waxaa uu ku sahlayaa inaad Sim-Cardkaaga Somtel u isticmaalayso Marka aad Dalka Ka Baxdo Waxanad adeegni sidda Goboladda Dalka uga soo hadlaysaa 201 Wadan oo daafaha Dunida ah , Adeega Badbaado waa Adeeg shirkadu ugu Talo gashay Nabadgalyadda waxaadna kala Xidhiidhaysaa dhamaan Xarumaha Booliska waxaana Garaacaysaa 999 ,Adeega Wardoon waxaad Ka Helaysaa Dhamaan wixii Ku salaysan War, sidda Ascaarta ,Sarifka ,Wararka , iyo Faahfaahino Ku saabsan Magaalayooyinka kale ” Ayuu Yidhi

Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel Cawil Salaax aya ku Nuuxnuuxsaday Faa’iidooyinka Adeega Dalmar iyo Sababaha ay Magacani Dalmar U doorteen,Waxanu Sheegay in adeegani uu yahay Mid Casri ah oo la talaabsan Tignoolajiyada Casriga ah, waxanu Xusay 201waddan oo ku yaala Wadamada Caalamka aad shirkada Somtel kaadhkeeda ku sticmaali kartid.

Adeegan Dalmar ayaa Guud ahaanba Waxbadan Ka Tari doona Dadweynaha Socdaalka La Deriska ah Kuwaasi oo Si Fudud adeegani u Isticmaali Kara Markaasta Qiimo Jaban kula soo Hadli Karaysid Dadkaaga.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net