SHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale (Q.2aad)

shirIn dadku dawladda bannaan-baxyo ku taageeraan ayay ka shiri karaan. In dadku bannaan-baxyo ku diidaan xukuumadda iyo waxa ay waddo ayay ka shiri karaan. Dastuurka ayaa u dammaanad qaadaya. In aan loo diidin in ay shiraan ayay ka shiri karaan. Si ay u shiraan ayay u shiri karaan.

Waa xeer. Waa xaagaan. Waa xaq. Waa xurmo. Waa xil. Waa xishmad. Waa xasilin. Waa xaraarad-jebin. Waa xanaaq-jebin. Waa xuquuq aanay dadka cidina ka qaadi karin. Waa deeq Ilaahay ku mannaystay. Waa murtida iyo mugga halgankoodii hubeysnaa ee ay ‘Sidaa yeel’ ku diideen qorigana ka qaateen. Naf iyo maalba waa tii loo huray ee loo hurushoobay.

Si’ aad u debecdaan oo xusuus dib ugu noqotaan ma-hadhooyinkii la soo maray aynu quluubta iyo arwaaxdaba culay iyo cidaadba uga dhigno tuducyo uu lahaa Ibraahin-gadhle oo ku jiray maansadiisii Dir-sooc ee uu ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, 6dii Bishii Abriil 1990kii oo ku beegnayd, sannad-guuraadii 9aad ee SNM. Waxaynu soo qaadanaynaa qayb maansadaa Dir-sooc ka mid ah oo aynu ku suntanayno:

 

Durba miyaad illowdeen

 

Waar hooy dadkaygow,

Laba daan dhexdoodiyo,

Dalqo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu’ fool adag,

Dibaddawgu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

 

Durba miyaa illowdeen,

Duunyadeenni dhacantiyo,

Inuu deynki maqan yahay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Xeerkii dalkaw yiil,

Kuwii uu deldelayiyo,

Kuwuu daaya odhan jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Nimcadii dalku lahaa,

Kuwuu daajinaayiyo,

Kuwii dayro laga dhigay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Adigoon dembiba gelin,

Jeel-u-daaddahayntii?

 

Durba miyaa illowdeen,

Diric iyo ninkii raga,

Doqon dhaafintiisii?

Maalintii dadkaygow,

Daabicii dur laga dhigay,

Durna daabac loo rogay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Adigoo dibbiray cadho,

Ku-sii-digashadiisii?

 

Durba miyaa illowdeen,

Maalkii dadweynaha,

Kii la yidhi daldalo iyo,

Kii shilinka lagu dilay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Hablihii dednaa iyo,

Dibadaha u-saarkii?

Saw dorraato ma ahayn,

Maalintii dadkaygow,

Daba-gaabta loo xidhay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Dhaqankii la doorshiyo,

Diintii la dhalan rogay?

 

Sow dorraato ma ahayn,

Xaqa kii daliishiyo,

Markuu culimadii dilay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon[1] jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Dhiiggii la daadshiyo,

Wixii dooxa meyd yiil?

 

 

Durba miyaa illowdeen,

dayuuradii lalaayee,

Dusha kaa rushayn jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Daydayo la odhan jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Daleeddaan wadhnayn iyo,

Dib-u-weerarkiisii?

 

Waar hooy dadkaygow,

Nin ku dagay markii hore,

Oo ku dilay markii xigay,

Ka-digtoonidiisay,

Dooddani ku faraysaa.

 

Waa in yar oo ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee uu inooga tegay Mujaahid, hal-abuur Ibraahin Sheekh Saleebaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Bal ka warrama goorta uu tiriyay iyo goorta aynu joogno. Waa 23 sannadood hortood. Ma is-tidhaahdeen xagga garaadka waxba iskama keen beddelin, gaar ahaan hoggaammada aan la mahadin ee ummaddii tabaale la og yahay soo martay la hadhay.

Hal-abuurku waa ka aanay maansadiisu duugoobin ee ay mar walba taagan tahay. Maalmuhu isu ekaa. Maalmuhu maalmahaa u ekaa. Gu’ inoo kordha mooyaan e’, miyaanu garaadba inoo kordhayn. Aroor walba ma inta aynu gegego habaas weyn ka toosno, ayaa dirir hooray iyo doog la inoogu misaalaya. Goor ma ayaynu muraayadahan baas iska tuuraynaa oo runta iyo xaqiiqda u daaddegaynaa.

 

(La soco……………………………………..)