Shaqaale katirsanaa Qaramada Midoobay oo saaka lagu afduubay Xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya

Dadhaab(SLPOST)Wararka Aan Saaka Oo Arbaca Ah Aan Ka Heleyno Xerada Qaxootiga Dhadhaab Ee Waqooyi Bari Dalka Kenya, Ayaa Sheegaya In Halkaasi Laga Afduubtay Gaadhi Saarnaayeen Shaqaale Katirsanaa Hay’ada Qaramada Midoobay.

unchr

Kooxo Aan Wali Heebtooda La Garan Ayaa Afduubtay Gaadhi Ay Saarnaayeen Shaqaale Katirsanaa Hay’adda Qaxootiga Caalamka Ee UNHCR Ee Hoos Tagta Qaramada Midoobay , Waxaana Wali Si Rasmi Ah Loo Ogeyn Tirada Shaqaalaha La Afduubay.

Gaadhiga Ay Lasocdeen Shaqaalaha Qaramada Midoobay Kahor Inta Aan La Afduubin Ayaa La Sheegay In Iska Hor Imaad Uu Dhax Maray Ciidamo Ilaalo U Ahaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay Ee La Afduubtay Iyo Kooxaha Hubeesan Ee Afduubtay Shaqaalahaasi.

Afduubka Ayaa Dhacay Saaka Subaxnimadii , Waxaana Goob Joogayaal Ku Warameen In Uu Dhaawac Kasoo Gaadhay Rasaastii La Is Dhaafsaday Darawalkii Waday Gaadhiga Ay Saarnaayeen Shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga Caalamka Ee UNHCR .

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland