Saamiyada Suuqayada Shiinaha oo hoos u dhac ku yimi iyo saamaynta ka dhalatay

China (SLpost)-Suuqyada saamiyada ee Shiinaha ayaa maantii labaad hoos u dhacay, ayadoo walaac xooggan laga qabo dhaqaalaha gaabiska ku socda ee dalkaasi.

Shanghai Composite, oo ah suuqa saamiyada ee ugu weyn Shiinaha, ayaa khasaaray boqolkiiba todobo dhibic lix, halka Isniintiina uu khasaaray boqolkiiba sideed dhibic shan. Waa hoos u dhicii ugu xumaa ee ay sameeyaan suuqyada Shiinaha tan iyo sanadkii 2007-da, waxaana uu saameeyay suuqyada Mareykanka iyo Yurub.

150825021322_nanjing_investor_512x288__nocredit

Hoos u dhaca ayaa sidoo kale saameeyay suuqa ugu weyn Japan ee Nikkei index, waxaana uu khasaaray boqolkiiba afar. Kaddib sanado uu si xowli ah u kobcayay dhaqaalaha Shiinaha, ayaa hadda waxa uu bilaabay inuu yareeyo korniinka.

Arrintaasi ayaa walwal ku dhalisay maalgashatada ku tiirsan dalabaadka Shiinaha, oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha weyn caalamka.