Ruushka oo Diyaarado Dagaal ka iibinaya Dalalka Uganda, Angola iyo Itoobiya

Moscow (SLpost)- Dalka Ruushka ayaa diyaaradaha dalka iyo noocyo kala duwan oo hubka casri ah heshiis malaayiin Dollar ku kacaya kaga iibinaysa saddex dal oo ku yaala Qaaradda Afrika.

Shirkadda Rosoboronexport oo Dawladda Ruushka u qaabilsan ka ganacsiga Hubka, ayaa shaacisay inay Xukuumadda dalkaasi heshiis kula gashay saddexda dalka ee Yuganda, Angola iyo Itoobiya inay iibsadaan nooca diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi Su-30 iyo diyaarado kale oo milatari oo qayb ka ah xoojinta awoodda milatari ee dalalkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA Novosti oo soo xiganaysa guddoomiye ku-xigeenka shirkaddan hubka ka ganacsata Alexander Mikheyev, qandaraaska ay dalalkani kula soo wareegayaan diyaaradaha diyaaradaha Milatari iyo qalabkooda, waxa la socda Barnaamijyo loogu tabobarayo shaqaale ku hawl-gala diyaaradaha.

Masuulkani waxa uu sheegay in dawladda Ruushku sannadkan gudihiisa dalka Yuganda ka iibisay lix diyaaradood oo nooca Su-30 wakhtiganna ay ku wada-jiraan wada-hadallo dalkan Bariga Qaaradda Afrika ku yaalaa ku dalbanayo qandaraasyo cusub.

Diyaaradaha dagaalka nooca Ruusku sameeyo ee Su-30 oo leh laba mishiin, waxa loogu talo-galay inay ku hawl-galaan laba duuliyo, waxaanay hawl-gallo ka fulin kartaa goobo masaafo durug u jira meesha saldhiggeedu yahay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net