“Reer Gabilay Haddii ay Kab iyo Eey Nagu Salaameen,WADDANI Karaamo Iyo Ehelnimo Ayay ku Salaamayaan” Muj. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

 

 

Hargeysa (SLpost) Waxay shalay iyo doraad You Tube ka la soo geliyay laba war oo ku saabsan dhalinyaro reer Gabilay ah oo wafdi xisbiga Waddani ka socda kala hor yimi mudaaharaad; kuna salaamay kabo iyo ey ay calanka Xisbiga Waddani u xidheen.
Waxay dhalinyaradu salaantaa anshax iyo ehelnimada ka baxsan raaciyeen oo ku celceliyeen hadalo hanjebaad iyo huruuf leh.

 

 

Dhalinyarada reer Gabilay xaq bay u leeyihiin in ay xisbigay doonaan taageern kay donaanna diidaan. Hasa yeeshee waa in ay ogaadaan sida ay dareenkooda u muujinayaa in ay fariin dirayso saamaynna yeelanayso.

 

Aniga oo ka mid ah madaxda Waddani waxan dhalinyardaa u sheegayaa inay meel ka dhaceen oo dhaawaceen xaqii iyo xurmadii dadka reer Somaliland isku lahaayeen kuna bedeleen xamaas iyo xajiin yool muuqda lagu jeediyay.

In kasta oo ay tir yar ka ahaayeen dadka reer Gabilay, hadana iyaga oo afka reer Gabilay ku hadlaya, ayay reer Gabilay eedo culus u soo jiideen. Hadlada ay ku celceliyeen wax aka mid ahaa, “Waddani Gabilay laga furi maayo!!!”

Haddii Waddani laga furi waayo Gabilay, xagee laga furayaa ee kale?
Haddii Kulmiye Gabilay oo qudhi u hiiliso, xaguu hiil kale ka helayaa?
Haddii Kulmiye, Ucid, ama Waddani magaalo gaar ugu hiiliso, magaalooyinka kale maxay yeelayaan?

 

Su’aalahaa jawaab tooda waxa lagu sugayaa, gaar ahaan, dhalintii xiisadda iyo xamaaska waday, guud ahaanna, dadka reer Gabilay.

 

Sideeda bana Xisbiga Waddani waxa uu magaalada Gabilay iyo dadkeedu u hayaa xaq dhawr, xurmo, iyo xishmo. Waxaanuu ku salaamayaa xariir iyo xarago.

 

Muj. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed