Ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya oo maanta si rasmi ah loogu aasay dalka Itoobiya

Addis-Ababa(SLpost)-Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi ayaa maanta lagu aasay Kaniisad ku taal magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ku aasan yahay Boqorkii hore Itoobiya Haile Selase.

Baroor diiq socotay muddo 12-maalmood ayaa waxaa ka qeyb galay kumanaan kun oo ka tirsan qowmiyada Itoobiya, iyadoo fagaaraha Maskel ay aheyd halka ay ka dhacday baroorta loo sameynayay Meydka Meles Zenawi.

Aaska qaran ee loo sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 20-Madaxweyne oo ka tirsan Afrika, Madax hore iyo Wafuud Caalami ah.

Naxashka lagu siday Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxaa la huwiyay Calanka Itoobiya, waxaana hareer socday Fardo iyo Mootooyin, waxaana dadka ay siteen sawirkiisa oo ay ku dul barooranayeen.

Munaasabada aaska oo saaka abaarihii 6-da subaxnimo bilaabatay ayaa 2-dii duhurnimo soo idlaatay, waxaana ka hadlay Hogaamiyaasha Afrika oo qeyb qeyb uga hadlayay.

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa ku tilmaamay Meles Zenawi inuu ahaa Hogaamiye geesi ah oo ka baxay Qaarada Afrika.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Madaxweynayaasha Uganda Yoweri Museveni, Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Sudan Omar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Nigeria Jonathan Goodluck iyo hogaamiyeyaal kale.
Safiirada Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobey Susana Rice ayaa ka mid aheyd Mas’uuliyiinta ka hadashay aaska Hogaamiyihii hore Itoobiya Meles Zenawi.

Waxaa goob joog ka ahaa Munaasabada Madax ka socota Soomaalida sida Madaxweyne Shariif, Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.