Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa Guddoomay Go’aamada bayaankii ay shalay soo saareen Guddida Turxaan-bixinta khilaafkii Shirka Beesha Sacad Muuse, ka dib markii muddooyinkii u dambeeyey ay guddidaasi ku gudo-jireen xalinta is-agaran-waa ku dhex-jiray Madax-dhaqameedka iyo Guddiga Qaban-qaabada ee Shirka Beesha.
Suldaan Xasan oo maanta ka hadleyey Shir-jaraa’id oo maanta Hotelka African Village ku qabteen Cuqaasha, Salaadiinta iyo Ugaasyada Beesha Sacad Muuse, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo kuna taageersan yahay Guddida Go’aamada ay ku soo gunaanadeen is-garanwaagii ka jiray Qabsoomidda Shirka.
Halkan ka dhegayso Codka Suldaanka
Somalilandpost.net
GUJI HALKAN SI AAD U AKHRISATO GO’AAMADA AY GUDDIDU SHALAY SOO SAAREEN