QARAMADA MIDOOBAY: Al-shabaab Waxay Weli Khatar ku Tahay Amaanka Soomaaliya iyo Bariga Afrika

Hargeysa(SLpost) — Warbixinta kooxda kormeerkaa Qaramada Midoobay ee ee cuno-qabateynta hubka ee Soomaaliya & Eritrea soo saartay, oo qaybta musuqmaasuqana shalay Somalilandpost idiin soo gudbiyey,  ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli tahay halista ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Al-shabaab ayaa weli maamusha dhul ballaadhan oo Soomaaliya ku yaalla, inkastoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay ka saareen dhul badan, haddana kooxdu ay caalami ahaan sii ballaadhanayso, iyadoo weerarradeeda la beegsanaysa goobaha muhiimka ah ee Soomaaliya iyo Kiiniya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa cabsi ka muujisay in deegaannada Al-shabaab ay sii luminayso ee koonfurta Soomaaliya uu macanaheedu tahay inay kusii xoogeysan doonto buuraleyda Gal-gala ee Puntland, taasoo fududeyn karta inuu adkaado xidhiidhka Al-shabaab iyo Al-qaacidada Yemen.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in hoggaamiyaha Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar Abu-Cubeyda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye ama Mahad Cumar C/kariin uu yahay hoggaamiye wax badan kaga duwan hoggaamiyihii ka horreeyay ee Axmed Cabdi Godane oo 01-dii September ee 2014-kii lagu dilay weerar la sheegay in ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen.

Sh. Abu Cubeyda waa nin tanaasul iyo wada-shaqeyn ogol, isla markaana aan dadka u cabudhin sidii Godane, isla markaana aqbala xubnaha qunyar socodka ah ee kooxda ku jira, taasoo u sahashay in hoggaamintiisa kooxda ay noqoto mid guul ah illaa iyo hadda, sida lagu xusay warbixinta.

Kooxda QM ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in Sheekh Abu Cubeyda uu weli sii wado in lala wadaago awoodda kooxda, isagoo hoggaamiyayaasha iyo taliyeyaasha deegaannada ay maamusho kooxda u ogoolaaday inay si madax-bannaan u shaqeeyaan, xitaa marka ay timaado arrimaha dhaqaalaha.

Waxa kaloo kooxdu warbixintooda ku sheegtay inay heshay xog muujinaysa in dilkii Yuusuf Dheeq Ismaaciil oo ahaa madaxii amniyaatka Al-Shabaab, kaasoo la dilay 31-kii January 2015-ka, uu fududeeyay signalka lambarka taleefoonkiisa oo ay soo dhiibeen ciidamada ammaanka Somaliland. Yuusuf waxaa sidoo kale lala dilay C/shakuur Tahliil oo ka tirsanaa amniyaatka Al-shabaab.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu yidhi in istaraatiijiyadda dagaalka ee Al-shabaab ay inta badan u bedeshay beegsiga hoteellada ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay dagaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ay u aragto goobo beylah ah oo khasaare badanna dhalin kara, iyadoo lagu xustay weeraradii lagu qaaday hoteellada Jazeera, Maka Al-Mukarama iyo Central oo kuwada yaalla Muqdisho.

Warbixinta ayaa dhanka kalena wax kama jiraan kasoo qaaday sheegashooyinka dawladda Soomaaliya ee ah in xubnaha kasoo goosanaya Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ay la macno tahay inay sii dhamaanayaan soo jiidashadii Al-shabaab iyo awoodaheeda, iyadoo tusaale usoo qaadatay, Zakariye Axmed Ismaaciil Xirsi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab. Balse kooxda QM waxay leedahay inuu Zakariye ahaa nin dhinac looga riixay kooxda, sannado badan ka hor inta uusan is-dhiiban, waxaana sarakaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ay kooxda QM kasoo xigatay in xogtii uu Zakariye siiyay dowladda Soomaaliya ay badankeed ahayd mid waqtigeeda la dhaafay ama dadka oo idil ay wada og-yihiin.

Kooxda ayaa warbixintooda ku xustay inay walaac tahay awooddii Al-habaab ay u yeelatay inay ku dhuumato garoonka diyaaradaha Muqdisho oo weerar ay ka fulisay 25-kii December 2014-kii, taasoo lagu dilay siddeed askari oo AMISOM ka tirsan iyo laba qof oo shacab ah.

Warbixinta ayaa lagu xusay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in kaararka aqoonsiga ee lagu galo garoonka diyaaradaha Muqdisho si fudud looga sameysan karo suuqa Bakaaraha, laguna sameysan karo lacag u dhaxeysa 20 illaa 40 doollar.

Warbixinta ayaa soo hadal qaaday meelaha ay Al-shabaab dhaqaalaha ka hesho iyadoo xustay in lacagta ugu badan ay ka heli jirtay cashuurta ay dhoofinta dhuxusha ka hesho, iyada oo sii yaraanaysa awgeed ay kooxdu hadda isku haleynayso habab kale oo ay lacag ku uruurasto. Warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab ay ka hesho lacag badan sakada ay ka qaaddo shacabka ku nool Jubbooyinka. Waxaa sidoo kale dhaqaale badan ay ka heshaa baa la yidhi ganacsiyada waa-weyn iyo kuwa yar-yar, iyadoo la yaab ku tilmaamtay in ganacsiyo ku yaalla Muqdisho ay cashuur siiyaan Al-shabaab, laakiinse ayna siin dowladda federaalka Soomaaliya.

Gawaadhida xamuulka ah ee sonkorta ka qaada magaalada Kismaayo, isla markaana geeya dalka Kenya ayay warbixinta sheegtay in Al-shabaab ay dhexda u gasho, kana qaado lacag 1,000 dololar ah gaadhi walba.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdu ogaatay inuu xidhiidh wanaagsan uu ka dhaxeeya Al-shabaab iyo kooxaha daroogada ka ganacsada ee Geeska Afrika, iyagoo ka wada-shaqeeya in daroogada Heroin-ta loo yaqaan ee laga keeno Afgaanistaan loo gudbiyo Qaaradda Yurub, halkaasna lacag badan Al-shabaab ay ka sameyso.