Puntland Oo Ka Hadashay Diiwaangelinta Codbixinta Doorashooyinka Somaliland Ee Ka Socota Sool

(SL.Post) Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa ka hadlay Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee ka socda gobolka Sool.

 

IMG_AA5015-41C538-07474B-E3A804-FAD666-BED4A7

 

 

“Amniga Puntland wuu wanaagsan yahay, Dadka Reer Puntland-na Nabadna way ku seexdaan, Nabadna way ku soo toosaan. Nimankaa Shar-wadayaasha ah ee Al-shabaab ee dhawaana falka Waxashnimada ah ka geystay Gaalkacayo, Buuraha Gal-galana in muddo ah ku dhuumaaleysanayey way jiraan, laakiin Dalka Intiisa kale waa Nabadgalyo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas oo u warramay Telefiishanka HCTV

 

 

Madaxweynaha Puntland oo la weydiiyay aragtidiisa ku aadan Diiwaangelinta cod-bixinta ee ka socota gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay, “Annaga waxa Muhiim noo ah rabitaanka Dadka, markaa waxaanu aaminsanahay inaad Dadkaa (Sool, Sanaag iyo Buuhoodle) loo keenin wax Shaqaaqo ah iyo Wax Shiddo ah oo Nabadgalyadooda iyo Xasilloonidoodana la ilaaliyo.”

 

Somalilandpost.net