Puntland Iyo Galmudug Oo Heshiis Ku Kala Saxeexday Muqdisho

(SL.Post) Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ku kala saxeexday,magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan joojinta xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo.

index

Hishiiskan mar kale ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana si rasmi ah hishiiska u saxiixay madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Waxa goob joog ka ahaa  munaasabada hishiiska lagu kala saxeexday, Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Sharmaarke iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating.

index

Marka la eego qodobada lagu hishiiyay waxaa ka mid ah in dib loo furo isu socodka magaalada Gaalkacyo iyo in ciidamo boolis isku dhaf ah la geeyo goobaha dagaalada ka dhaceen.

Geesta kale waxa kaloo labada dhinac ay isku afgarteen in bisha labaad ee sannadkaan la iskugu yimaado kulan lagaga hadlayo amaanka magaalada iyo waxa hishiisyadii la gaaray ka dhaqan galay.

Labadan Madaxweyne  ayaa hore heshiis kan oo kala ah ku kala saxeexday magaalada Gaalkacyo, hase-yeeshee waxaa heshiiskaasi ka danbeeyay shaqaaqo dhaxmartay labada dhinac oo ay dad ku dhinteen.

 

Somalilandpost.net