Nuxurka Kulan Dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka Horumarinta Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.

Weftigan oo ka kooban 5 xubnood waxay madaxweynaha intii kulankoodu socday ka wada hadleen geeddi-socodka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka golaha deegaanka, waxay caddeeyeen inay u diyaar-yihiin sidii ay u dhammaystiri lahaayeen kaalintooda kaalmada ay ka gaysanaan qabsoomidda doorashooyinka wakhtiga dhow iyo kuwa wakhtiga fogba.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madax-tooyada oo ka warramaya natiijada iyo nuxurka kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Weftiga Qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa u dhignaa sidan:

 “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera horumarinta hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Xubnaha weftigan oo ka kooban 5 xubnood, isla-markaana uu hogaaminayo Mr. Ole Thonke

Waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay xoggogaal u noqoshada halka ay marayso hawsha doorashada goleyaasha deegaanada iyo doorashooyinka kale ee ka dambeeyaba. Isla-markaana waxa ay sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin inta ay kaga beegan yihiin hawshaas farsamo ahaan iyo dhaqaaleba.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna uga waramay inay Somaliland si  wanaagsan uga hirgashay hanaanka dimuqraadiyadu, isla-markaana waxa uu uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyeyaasha kaalinta wax ku Oolka ah ee ay ku leeyihiin guusha ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyada.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay in hawsha doorashada goleyaasha deegaanku ay meel wanaagsan marayso xukuumad ahaana intii ku xidhnayd wax badan uu fuliyay sida furashada ururada siyaasada iyo magacaabidda guddida diwaangelinta iyo kala saaridda xisbiyada.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin qabashada doorashada, isla markaana ay tix-gelinayaan talada dhinacyada ay khusayso oo dhan.”

Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net