Nuxurka ay xambaarsan tahay Warqad Cabdicasiis Samaale u Gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa madaxweynaha Somaliland u gudbiyey warqad xambaarsan qoraal uu kaga cudur-daartay  xilka Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweynuhu u magacaabay, waxaanu wasiir Samaale ku sababeeyey diidmada xilka cusub ee loo magacaabay iyada oo aanu madaxweynuhu kala tashan waxna ka weydiinin Isbeddelka lagu sameeyey.

siilaanyo samaaleIsku-shaan-dheyn xambaarsan Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabis cusub oo Madaxweyne Siilaanyo ku sammeeyey Golihiisa Xukuumadda, ayaa lagu sheegay in Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale loo beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaraddda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka wasiirkii wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan lagu beddelay booska Wasiir Samaale.

Is-casilaadda Wasiir Samaale iyo Saluugga uu ka muujiyey Xilka Cusub ee loo magacaabay, ayaa soo baxay kaddib markii uu shalay gelinkii hore ka soo laanbtay kormeer uu maalmihii u dambeeyey ugu maqnaa gobollada Bari ee dalka, gaar ahaan Ilaha Dakhli-ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda.

Warqad Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland kaga cudur-daartay inuu qabto xilka cusub ee wasaaradda Waxbarashada oo isla shalayba madaxweynaha loo gudbiyey, waxa uu sheegay Md Samaale inuu shacabka Somaliland iyo madaxweynahaba u caddeynayo inaanu aqbalayn Xilka loo magacaabay sababo la xidhiidha inaanu madaxweynuhu kala tashan go’aankaas.

Sida ay tibaaxeen ila-wareedyo aanu ka helay nuxurka ay xambaarsan tahay warqadda uu kaga tanaasulay aqbalaadda xilka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, waxa uu wasiir Samaale madaxweynaha uga mahad-celiyey wada-shaqayntii u dhaxaysay muddadii uu hayey xilka Wasaaradda Maaliyadda. Haseyeeshee, ilo-wareedyadani ma sheegin in madaxweynuhu ka aqbalay iyo in kale.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo xilka wasaaraddaas soo hayey tan iyo bishii March ee sannadkii 2012-kii, isaga oo xilkaas ka doorsaday mansabka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo uu muddo todoba sanno ah soo hayey. Haseyeeshee, muddo saddex sanno ah oo uu soo hayey xilka Wasaaradda maaliyadda, waxa lagu tilmaamaa inuu si wax weyn ka qayb-qabtay isla markaana kor u qaaday miisaaniyadda dalka iyo ilaha dakhli-ururinta.

Md Samaale oo sidoo kale saamayn weyn ku dhex-leh xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo ololihiisii tartankii doorashada isla markaana hore u shaaciyey hankiisa siyaasadeed iyo inuu Xisbiga gudihiisa uga tartami doono loolanka hoggaanka dalka, ayaan la saadaalin karin saamaynta arrintani ku keeni karto hankiisa siyaasadeed iyo doorka siyaassadeed ee uu ku dhex-leeyahay Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net