Nus Malyuun Qof Ayaa Sannad Kasta U Dhinta Sababta Cunto Aan Caafimaad Qabin Oo Ay Cuneen

London (SLpost)- Cudurrada ka dhasha cuntooyinka wasakhaysani waxa ay sannad kasta dunida ka galaaftaan dad tiradoodu gaadhayso 600 oo Milyan, kuwaas oo ay sannad kasta ka dhintaan 420 kun oo qof oo saddex meelood meel ah carruur yaryar tahay. Sidaa waxaa lagu caddeeyey warbixin ka soo baxday haayadda caafimaadka u qaabilsan qaramada Midoobey ee WHO.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda MBC ayaa lagu sheegay in warbixin khamiistii ka soo baxday xarunta Geneva ay haayadda caafimaadka adduunku ku sheegtay in tobankii qof ee kasta hal qof oo ka mid ahi u xanuunsado bakteeriya, Jeermis, cudur-sidayaal, Fayras, dulin, sun ama maaddooyin kiimikaad  oo u raacay ama ku jirtay cunto uu cunay. Dr. Kazuaki Miyagishima oo ah Isu-duwaha waaxda badqabka cuntada iyo cudurrada xayawaanku gudbiyo ee haayadda caafimaadka adduunka ayaa mar uu isna arrintan ka hadlayey warbaahinta ku yidhi, “Illaa hadda waxa aynu la dagaalamaynay cudur aan la arkayn, laakiin maadaama oo hadda aqoontaas cusub la helay, waa ay fududaan doonto in dowladaha lagu dhiirrigeliyo in ay ka shaqeeyaan wanaajinta cuntada ay dadkoodu cunayaan”

Warbixintan waxaa lagu caddeeyey in saddex meelood meel dadka cuntada wasakhaysan ugu dhinta dunida oo tiradoodu noqonayso 125 kun sannad kasta, ay yihiin carruur da’doodu Shan sano ka yar tahay, iyada oo la og yahay in carruurta da’daas ahina marka horeba dunida ku yar yihiin oo ay boqolkiiba 9 keliya ka yihiin dadka dunida oo dhan sida ay haayaddu ku caddaysay warbixinteedan.

Xigasho Geeska Afrika