Madaxweyne Siilaanyo oo maayarrada Caasimadaha ku booriyey Sii Adkeynta Nabad-gelyada Dalka

[H]argeysa (SLpost)- Madaxweynaha Axmed-Siilaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa kulan xog-waraysi ah oo ku saabsan nabad-gelyada dalka kala yeeshay maayarrada Caasimadaha Derajadoodu tahay A, waxaanay maayarradu madaxweynaha uga war-bixiyeen hawlaha qaran ee ay bulshada u hayaan iyaga oo madaxweynaha uga mahad-celiyey taageerada uu ku kabo hawlahooda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in kulankan maayarradu dabo-socdo kulan uu madaxweynuhu hore ula yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa  ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da.

Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012.

waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.

Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen.

Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada.

Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba.

Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net