Natiijada kulan dhex maray Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka iyo Madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Qaybalaha Bulshada Laascaanood

Laascaanood, 18 January, 2012 (SLpost)-Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Maxamed Xasan C.laahi “Jidhif” oo ay weheliyaan la Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciidamada C.samad Xaaji Gamgam, taliyaha ee aaga  bari ee Ciidanka qaranka Maxamed Cabdi Aadan iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada ayaa Maanta Kulan balaadhan kula yeeshay Madaxda dhaqanka,Waxgaradka iyo qaybaha bulshada Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .

Waxaa Kulankaasi lagu lafo guray sidii ay dadweynaha  gobolka Sool uga shaqayn lahaayeen nabad ku wada noolaanshaha shacbiga Somaliland isla markaana ay dhinac uga soo wada jeedi lahaayeen Shakhsiyaadka  fidnada kula dhex wareegaya ummada ku nool gobolkaasi, ujeedadooduna tahay sidii ay amni daro uga abuuri lahaayeen gobolka sool iyo deegaamadiisa .

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Maxamed Xasan C.laahi “Jidhif” oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Shacbiga ku dhaqan gobolka Sool ay yihiin ayaa ku dheeraaday Qiimaha ay nabadgalyadu u leedahay iyo sida ay uga soo hor jeedaan cidkastoo ka soo hor jeeda amniga gobolkaas.

Taliyuhu waxa uu sheegay in  shayga ugu weyn ee horumarka lagu gaadhi karaa ay tahay sidii danta qaranka loogu midoobi lahaa loogana feejignaan lahaa kooxaha shar wadayaasha ee hamigoodu yahay fadqalalo ay ka dhex dhaliyaan ummada dhiiga,dhalashada iyo dalka Somaliland wadaagta.

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Maxamed Xasan C.laahi “Jidhif” waxa uu ugu baaqay bulshada gobolkaasi inay ku soo dhawaadaan gogoshii nabada ee uu Madaxweynaha JSL u fidiyay dadweynaha ku nool gobolada bari isla markaana wixii tabasho ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad .

Qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanka gobolka Sool oo kulankaasi ka hadlay ayaa taageeray inay diyaar u yihiin nabad ku wada noolaashaha Shacbiga Somaliland iyagoo qiray inay ka soo hor jeedaan cid kastoo wax u dhimaysa amniga iyo degenaanshaha gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland iyo Saraakiisha kale ee Wehelinaysa ayaa kormeer ku soo maray aaga hore ee fadhiisinka Ciidamada Qaranka oo uu ku baraarujiyay sidii ay heegan ugu ahaan lahaayeen difaaca dalkooda.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net