Natiijada ka soo baxday kulan Dhexmaray Saddex Xisbi Qaran ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee Waddani, Kulmiye iyo UCID, ayaa maanta markii ugu horeysay iyagoo u dhammeystiran, waxa ay isugu yimaaddeen kulan ay kaga tashanayaan Qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deeggaanka oo la filayo inay dhammaadka sannadkan ka qabsoonto dalka.

 

Muddooyinkii u dambeeyey kulamo noocan ah waxa debed joog ka ahaa oo aan ka soo qayb-galin Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo inay ka qayb-galaan qorsheyaasha ka talo-bixinta iyo qayb-ka-qaadashada doorashada ku xidhay shuruud ah in la beddelo guddiga Doorashooyinka qaranka oo ay sheegeen inay kala noqdeen kalsoonida sababo la xidhiidha natiijadii ka soo baxday doorashadi madaxtooyada ee November 2017-kii ka qabsoontay dalka.

 

Inkasta oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd kulanka, waa markii uu soo dhammaaday faahfaahin ka bixiyey arrimaha lagaga hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE