Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sarre Oo Shaacisay Imtixaankii Shihaadiga ahaa ee Dugsiyadda Dhaxe iyo Kuwa Sarre Ee Somaliland
Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadda imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Fasallada Siddeedaad ee Dugsiyadda Dhaxe, iyo Fasaladda Afraad ee Dugsiyadda Sarre ka dib muddo badan oo wasaaraddu ku mashquul-sanayd sixitaankiisa iyo hubinta wixii caqabado ah ee ka hor iman doona.
Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Imtixaanaadka Qaranka oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda, Guddoomiyaha imtixaanaadka , iyada oo ay xarunta horteedana tubnaayeen boqolaal Qof oo ka mid ah ardeyda dhigta dugsiyadda kuwaasi oo iyaga laftooduna naawilayay natiijada imtixaanaadka ee wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo natiijada yeedhisay ayaa ku dhawaaqday tobankii Arday ee ugu horreeyay Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sareba iyada oo bogaadisay dedaalka Dheeraadka ah ee ay Muujiyeen.
Tobanka arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Dhexe ayaa kala ah:
No. Dugsiga Magaca Ardayda Derajada
- Sh. M. Warsame – Sahra Awciise Jaamac Qaalib (558 ), Maroodi-jeex
- Geeska Afrika – C/raxmaan Axmed Yuusuf adan (552) – Togdheer
- Odey(Sheekh) – Hodon maxamed C/laahi Ciise (543) – Gobolka Saaxil
- Sh. Cali Cismaan – Barkhad Mustafe Siciid Xirsi (547) – Maroodi-jeex
- Sh. M.Warsame – Mawliid Muxumed Hanfi Liibaan (547) – Maroodi-jeex
- Surad – Ismaaciil Axmed Warsmae Maxamed – (547) – Gob. Sanaag
- Abyan – C/naasir C/laahi Faarax ibraahim (547) – Gobolka Sool
- Nuraadiin Primary – Maryan Maxamuud Maxamed Cigaal (546)- M/Jeex (Private)
- Alkheyr – Ubax C/raxmaan Axmed Cabdi (546) – Maroodi-jeex (Private
- H.A.A Good – Khaalid Xirsi Maxamed Caddare (546) – Gobolka Awdal
Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Sare ee Dalka
No. Dugsiga Magaca Darajadda
- Ileys – Nasra Jaamac c/laahi Bulxan 735 – Maroodi-jeex (Private)
- Nuuradiin MustafeMaxamed Awcali Cismaan 718 – Maroodi-jeex (Private)
- Ileys Muniira Maxamed Axmed C/laahi 717 – Maroodi-jeex (Private)
- 26 June Xamse Carab Cali Xasan 691 – Maroodi-jeex (Public)
- 26 June C/naasir C/ramaan Xaashi Caalin 689 – Maroodi-jeex (Public)
- Ilays Muna C/laahi Maxamed Axmed 689 – Maroodi-jeex (Private)
- Bali- Gubadle Xasan Muuse Cismaan Jaani 686 – Maroodi-jeex (Public)
- Ilays Faadumo Maxamed Ismaaciil Cabdi 685 – Maroodi-jeex (Private)
- M.A.Cali Maxamed Xuseen Maxamed Faarax 679 – Maroodi-jeex (Public)
- Ilays Nimco Saleebaan Cali Kooshi 670 – Maroodi-jeex (Private)
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net