Nairobi: Hooyo ku geeriyootay jirdil ay Ugeysteen ciidanka Kenya..

KENYA (SLPOST) :- Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Seynab Bulxan, ayaa ku geeriyootay Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyata,kadib jirdil xoogan oo ay u geysteen ciidamada Kenya.

ciil

Hooyo Seynab,ayaa kamid ahayd dadkii shalay laga Tdiyaaradii la saari lahaa shalay Xaaladeeda Caafimaad oo aad u liidata awgeed, waxay ku dhimatay Gudaha Garoonka.

Meydka hooyo Seynab Bulxan waxaa gelinkii dambe ee shalay loo qaaday Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta, halkaasoo uu meydkeedu yaalo.

Qaar ka mid ah Soomaalidii shalay laga soo celiyay Magaalada Nairobi, ayaa waxay walaac xoog leh ka muujiyeen sida foosha xun leh, ee ay u geeriyootay hooyadaasi Somaliyeed.

Shacabka lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay Dowladda iyo Ciidamada Kenya ay ku eedeeyeen, in ay si xun ula dhaqmeen.

Majirto jawaab ku aadan qaabka ay u dhimatay hooyadaasi Soomaaliyeed, oo ka soo baxay Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

 

Somalilandpost-Desk

Hargeysa/Somaliland