Mulkiilaha Chelsea oo Shaqada ka Caydhiyey Tabobare Di Matio iyo Macalimiinta u Sharraxan inay Beddelaan (SAWIRRO)

SLpost Sports – Mulkiilaha Kooxda Chelsea, Roman Abramovich ayaa saaka subaxnimadii cawda u jaray tababare Roberto Di Matteo ka dib guul-darrooyin aan la Qaadan Karin oo si is-dabajoog ah kooxdu la deristay kulamadii u dambeeyey.

Tabobare Di Matio iyo Torres; dhammaadka kulankii Juventus

Mulkiilaha Chelsea oo ka cadhaysan guul-darrada kooxda ka qabsatay inay sii xejisato Koobka Champions League, ayaa shaqada ka eryey tabobaraha dhowr saacadood ka dib guul-darradii xalay ka soo gaadhay kulankii ay Martida u ahaayeen Kooxda Juventus oo 3-0 ku dhammaaday.

Guddida Fulinta ee Chelsea oo tabobare Di Matteo saaka kula kulmay Stamford Bridge, ayaa ku wargeliyey inuu isaga tago shaqada ka dib lix bilood oo uu ahaa macalinka Kooxda, isaga oo sannadkii hore kula guulaystay koobka Champions Leauge.

Yoolka koowaad ee Mulkiilaha Chelsea, ayaa ah tabobarihii hore ee Barceona Pep Guardiola, laakiin Abrahimovic waxa taas ka hor taagan inuu ninka hore guulaha ugu horseeday Barcelona ku qancinayo inuu ka tanaasulo ballan-qaadkii uu sheegay inuu hal sanno ka nasanayo kubadda Cagta.

Mulkiilaha Chelsea oo kor u haya Koobka Champions-ka ee ay ku guulaysteen

Haseyeeshee, haddii uu tallaabadaas ku guul-darraysto, waxa uu dhankiisa u kici doonaa tabobarihii hore ee kooxaha Liverpool iyo Inter Milan, Rafa Benitez si uu xilka u qabto. Benitez oo maanta ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu shir kaga qayb-galayo, ayaa la filayaa inuu maalinta Barri ah u duulo magaalada London.

Kooxda Chelsea ayaa wakhtigan halis ku jirta inay u soo baxdo wareegga 16-ka kooxdood ee Horyaalka Yurub, waxaanay u sharraxan yihiin inay noqdaan kooxdii ugu horreysay ee Koobka haysata oo ku hadha isreeb-reebka groups-ka.

Dhinaca horyaalka Ingiriiska, waxa ay afar dhibcood ka dambeeyaan kooxda koobka haysata ee Manchester City oo ay todobaadka soo socda ku kulmayaan ciyaar ka tirsan horyaalka, mana awoodaan guul-darro kale oo u raacda ceebtii uga soo hoyatay kulankii 2-1 ay kooxda West Bromwich ku garaacday.

Tabobare Di Matio oo Ku-xigeen u ahaa tabobarihii uu xilka kala wareegay ee Andre Villas Bos, ayaa lixdii bilood oo uu kooxdaas tabobare u ahaa Kula guulaystay FA cup-ka Ingiriiska iyo Champions League-ga Yurub.

Natiijooyinka Ciyaarihii u dambeeyey Chelsea

-October 23: Shakhtar Donetsk 2 Chelsea 1 (Champions League)

-October 28: Chelsea 2 Manchester United 3 (Premier League)

-October 31: Chelsea 5 Manchester United 4 (Capital One Cup)

-November 3: Swansea 1 Chelsea 1 (Premier League)

-November 7: Chelsea 3 Shakhtar Donetsk 2 (Champions League)

-November 11: Chelsea 1 Liverpool 1 (Premier League)

-November 17: West Bromwich 2 Chelsea 1 (Premier League)

-November 20: Juventus 3 Chelsea 0 (Champions League)

 

Tabobareyaasha Soo Maray Koox Chelsea ee Abaramovich Eryay

Abaramovich vs Chelsea:  8 Tabobare, 10 kooban iyo Lacag 1 Bilyan ah

– Claudio Ranieri (September 2000 to May 2004 – Abaramovich waxa uu Iibsaday Kooxda Bishii June 2003)

– Jose Mourinho (June 2004 – September 2007)

– Avram Grant (September 2007 – May 2008)

– Felipe Scolari (July 2008 – February 2009)

– Guus Hiddink (February 2009 – May 2009)

– Carlo Ancelotti (June 2009 – May 2011)

– Andre Villas-Boas (June 2011 – March 2012)

– Roberto Di Matteo (March 2012 – November 2012)

 

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net