Mucaaradka Suuriya oo ku Baaqay in la Sameeyo Maamul Cusub oo Dimuqraadi ah oo Asad iyo Inta Taabacsani aannay ku Jirin

SLpost- Ururada mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa shir ay dalka Sacuudi Carabiya ku yeesheen kasoo saaray qodobo ay doonayaan in la fuliyo ka hor inta aanay wadahadalka nabadeed la yeelan maamulka Bashar Al-Assad. War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa waxa ay ku baaqeen in dalka laga sameeyo maamul cusub oo sal ballaadhan isla markaana dimuqraadi ah.

 

Waxaa ay intaa ku dareen in madaxweyne Bashar Al-Assad iyo ragga ku xeeran aannay fursad uga bannaaneyn maamulkaasi cusub. Balse kala qeybsanaan ayaa ka jirtay shirka ay mucaaradka dawladda Suuriya ku yeesheen dalka Sacuudi Carabiya.

 

Mid ka mid ah ururada ugu weyn mucaaradka oo lagu magacaabo Axrar al-Shaam ayaa sheegay inuu isaga baxayo shirka. Ururka ayaa sababta ku sheegay in qaar ka mid ah ragga hogaanka u hayay shirka ay xidhiidh la leeyihiin maamulka Assad.

 

Dhanka kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in Muwaffaq Mustafa Mohammed al-Karmoush oo sidoo kale loo yaqaano Abu Salah iyo laba sarkaal oo ka tirsan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka, lagu dilay duqeyn cirka ah oo lagula beegsaday gudaha Ciraaq.

 

Abu Salah ayaa ururkaasi u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo bixinta kharashaadka dagaalyahannada ururkaasi ku xidhan ee jooga daafaha caalamka.