MIDOWGA YURUB oo Cuna-qabatayn hor leh ku soo rogay Dawladda Israa’iil

Brussels (SLpost)- Waddamada Midowga Yurub, ayaa dawladda Israa’iil u soo bandhigay ogeysiis muddo bil ah fursad loogu siinayo inay soo kala-caddeeyey halka asal ahaan ka keeneen badeecado ka samaysan oonta Xoolaha nool, kuwaas oo loogu talo-galay suuqyada waddamada Qaaradda Yurub in loo iib-geeyo.

eyBadeecadaha aan wadan macluumaad faahfaahin ka bixinaya asal ahaan meesha laga keenay iyo shirkadaha sameeya, ayaa la qorsheeyey in laga mabnuuco suuqyada dalalka Xubnaha ka ah Midowga Yurub, iyada oo ay ku lammaan tahay cunaqabatayn Midowga Yurub badeecadaha uga taga dalka Israa’iil ugu rogay gabbood-fallada ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo deegaynta cusub ee Yuhuuddu ka hirgelinayo dhulka Falastiin ee daanta Galbeed.

Jariirad ka soo baxday dalka Israa’iil oo lagu magacaabo Maariv, ayaa maalintii salaasada ee dorraad qortay in Midowga Yurub ka dalbaday dawladda Israa’iil faahfaahin kala-xadaynaysa badeecadaha looga dhoofiyo dalkeeda ee lagu farsameeyo wershada ku yaala dhulka ay xoogga ugala wareegtay shacabka Falastiiniyiinta wixii ka dambeeyey dagaalkii dhexmaray Israa’iil iyo waddamada Carabta sannadkii 1967-kii iyo dhulkii ay haysata muddadii ka horeysay wakhtigaas.

Cuna-qabataynta Midowga Yurub ku xannibay xidhiidhka ganacsi ee Israa’iil, ayaa soo shaac-baxay bilowgii sannadkii oo ay meesha ka saareen xidhiidh ganacsi oo dhexmara shirkadaha iyo wershadaha ku yaala deegamaynta cusub ee dawladda Israa’iil xoogga kula wareegtay dhulka Falastiiniyiin ee Daanta Galbeed,

Tallaabada sii xoojisay cuna-qabataynta ku salaysan deegaamaynta Israa’iil, ayaa salka ku haysa xukun ka soo baxay Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga sannadkii 2004-tii, kaas oo ay ku go’aamisay deegaamaynta dawladda Israa’iil ka hirgelisay Daanta Galbeed inay sharci-darro yihiin, kuna xad-gudbayso qodobka 49aad ee Axdigii Geneva oo xaaraan-maynaya in dawlad ku duushay waddan kale ay shacabka ku nool ka baro-kiciso deegaankooda.

Badhtamaha bishii August, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee Israa’iil, ayaa ka qayliyey hoos-u-dhac ku yimi badeecadaha dalkooda ee loo dhoofiyo waddamada Yurub ka dib markii Guddiga Sare ee Midowga Yurub go’aamiyey go’aan ka mabnuucaya dalalka ka tirsan Midowga Yurub in loo dhoofiyo badeecadaha ka samaysay oonta Xoolaha sida caanaha iyo Subagga ee lagu farsameeyo wershada Israa’iil ee ku yaala Daanta Galbeed. Haseyeeshee, ka hor intii aanu go’aankani soo bixin, badeecaha Israa’iil ee loo dhoofiyo waddamada Yurub, waxa shuruud u ahayd inay ku qoraan magacyada deegaamada lagu farsameeyo badeecadaha.

Sida lagu baahiyey qaybo ka tirsan saxaafadda dalka Israa’iil iyo kuwa caalamka badhtamaha bishii hore, 80 wershadood oo nooca lagu farsameeyo caanaha iyo Subagga xoolaha, ayaa qarka u saaran inay xidhmaan ka dib go’aanka Midowga Yurub ku mabnuucay dalkooda in loo dhoofiyo, taas oo la filayo inay wax-soo-saarka wershadahaas ku sababto khasaare gaadhay 30 Milyan oo dollar, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Ololeyaal lagu sii xoojinayo isla markaana Midowga Yurub cadaadis lagu saarayo cuna-qabataynta badeecadaha Israa’iil, ayaa sii xoogeystay tan iyo markii ay dawladda Yuhuudda horaanta bishii July duqeynta iyo xasuuqa ku bilowday shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza oo ay ku dhinteen in ka badan 2,200 oo dad shacab ah u badan, waxaana kor u sii kacay cambaareyn beesha caalamka ugu jeedisay Israa’iil tallaabooyinka ka dhan ah bani’aadamnimada ee ay shacabka Falastiin kula kacday, iyo sidoo kale bannaan-baxyo ka dhacay meelo ka tirsan Midowga Yurub.

Wasiirka Maaliyadda ee Israa’iil Yair Lapid, ayaa horaantii sannadkan shaaciyey in wax-soo-saarka dalkiisa khasaare dhan 5 Bilyan oo Dollar ka soo gaadhay cuna-qabataynta Midowga Yurub.

SOMALILANDPOST.NET