Midawga Yurub Oo Ay Firgo-nax Ku Noqotay Fulinta Xukunnada Qisaasta Ah Ee Somaliland

Belgium, (SLP)- Madaxda Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa si d deg deg iyo ka fiirsi la’aan ah u dhaleeceeyay dilkii ay Somaliland ku fulisay lixda qof oo dembiileyaal ahaa, iyagoo ku baaqay in Somaliland ay joojiyaan fulinta dilalka lagu fuliyo dadka dembiyada lagu helo.

Hoggaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid aan la filayn, isla markaana dib u dhac ku ah guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland, sharcigaas oo ay uga jeedaan hanaanka dimuqraadiga oo ay danahooda dhexmarsadaan, isla markaana ujeedadooda hoose tahay mid lid ku ah diinta Islaamka.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa si ba’an uga soo horjeesaday ciqaabta dilka ah ee la fuliyo, waxayna u tix-geliyaan in dilku yahay ku xad-gudub dhinaca aadamaha ah, isla markaana khatar ku ah xuquuqda iyo sharafta bani’aadamka oo ay u yaqaanaan in la tixgeliyo afkaartooda gaaleed.

Madaxda hawlgalka Midowga Yurub ayaa si ba’an uga soo hor-jeedaan xabaalaha la qoday sagaal sano ka dib markii la joojiyay dilalka ciqaabta ah, iyagoo madaxda Somaliland ku adkeeyay inay dib uga fekeraan go’aanadooda dilalka ah.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa ka dalbaday mas’uuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ah u joojiyaan xukunnada dilalka ah oo ay ugu horeyso joojinta xukunka dilka ah.

Ugu dambeyn, ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay rajaynayaan in madaxda Somaliland ay kala shaqeeyaan fulinta qorsheyaasha ay ku joojinayaan dilalka loo gaysnayo dadka dambiyada lagu helo.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa maalin ka hor toogasho ku dishay lix qof oo lagu eedeeyay inay dilal kala duwan ka geysteen deegaannada ay ka kooban tahay Somaliland.

Hadalka Midawga Yurub ayaa u muuqda mid ay ku anfariireen fulinta iyo dabaqida diinta Islaamka ee ay Somaliland ku fulisay qisaasta lix qof ooh ore dembiyo dil ah lagu helay, taasoo ay waajib tahay in la qisaaso qofkii qof islaam ah dila.