Mid ka mid ah cir-bixiyeennada ugu caansan Maraykanka oo Diinta Islaamka Qaadatay

Sunita Williams

Washington, (SLpost)– Khabiirad ku xeel-dheer Cir-biyeennimada oo lagu magacaabo Sunita Williams, kana tirsan ciidamada badda Maraykanka iyo hay’adda NASA, ayaa daboolka ka qaadday in go’aankan caqiibada leh ee diinta Islaamka ku gashay ka dib markii, sida ay sheegtay, ay si dhab ah oo aan shaki ku jirin u xaqiiqsatay in Diinta suuban ee Islaamku ay tahay mid jiritaankeeda aanu wax madmadaw ahi saarnayn, oo ay tahay diinta kaliya ee  ay ku jirto liibaanta aduunyada iyo ta aakhiraba.

Sunita Williams

Sunita oo 19 September, 1965kii ku dhalatay dalka Maraykanka, isla markaana hawada sare dayax-gacmeed u raacday sannadkii 2007,  waxa ay ka dhawaajisay in go’aankan mustaqbalka leh ay qaadatay isla markii ay si nabadgelyo ugu soo noqotay dhulka safar dheer oo qaatay 197 maalmood oo ay hawada sare ku maqnayd.

Iyada oo warbaahinta uga warramaysay go’aankeeda waxay tidhi, “Illaahaybaa mahad leh oo khaatumada ii waafajiyay, markii uu dayax-gacmeedku hawada sare ku jiray, waxaan Telescope (weyneyso) ku soo eegay dhulka oo dhammaantii midabkiisu Madaw ahaa, marka laga reebo Laba meelood (Dhibcood), oo barakaysan oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u nuurayay una iftiimayay oo kala ahaa magaalooyinka Makkah iyo Maddiina. Waxa kale oo ay tidhi, “Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadayda, intii aan hawada sare ku sugnaa haba yaraatee wax jabaq iyo cod ah maan maqlayn marka laga reebo dhawaaqa codka eedaanka shanta salaadood ee ay waajibisay diinta Islaamka.”

Labada Muuqaal ee Xaramka iyo Masjid Al-Nabawi ee la sheegay inay hawada sare ka soo qaadday

Haweenaydani waxay sheegtay in ay si xaqiiq ah ugu qanacday jiritaanka dhabta ah ee diinta Islaamka oo ah diinta kaliya ee xaqiiqda xanbaarsan, waxaanay xustay in ay jiraan cir bixiyeeno kale oo iyana la filayo in ay soo Islaamaan, iyada oo waxba kama jiraan ka soo qaadday warar si weyn ay saxaafadu u buunbuunisay oo tuhun lagu galinayay mawqifkeedan lagama noqdaanka ah ee ay ku soo Islaamtay.

Maaha markii ugu horaysay ee ay soo Islaaman cir-bixiyeeno, saynisyahano iyo dad kalaba waxaana tiro ahaan labadii sano ee u danbeeyay soo muslimay cirbixiyeenno aad u tiro badan, waxaana si weyn isu sii taraya oo maalinba maalinta ka danbaysa circa isku sii shareeraya werwerka ay diimaha kale ee ka qabaan diinta Islaamka oo noqotay Diinta kaliya ee ugu koriinka badan dhamaan diimaha dunida ee ay soo galaan dadka rumaynayaa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net