Mexico.Lix Macalin Ayaa ku Geeriyooday Mudaharaad Macalimiintu DHigeen

mexico
MEXICO (SLpost)-Ururka Macalimiinta Dalka Mexico ayaa sameeyey bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan Qorshe la doonayo in Imtixaan lagaga qaado Macalimiinta dalkaas, taas oo qayb ka ah Dib u habayn ballaadhan oo lagu samaynayo nidaamka waxbarashada. Waxa kale oo ay ka bannaan-baxeen xadhigga hoggaanka sare ee Ururka  oo loo haysto lacago si khaldan laysu dhaafsaday iyo dambiyo kale

Muadaharaadkan ayaa ka dhacay ilaa afar dagmo oo kamiada gobolka koonfreed ee Oaxaca,
iyadoo  rabshaha ugu badani ka dhaceen Nochixtlanoo xaga waqooyi kaga beegan caasimada gobolka Oaxaca.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhintay inka badan boqol qofna wayku dhaawacmeen mudaharaadkan oo markii danbe isu bedelay rabsho kadib markay   boolisku soo dhexgaleen iskuna dayeen inay kala dareeriyaan dadka mudaharaadayay oo xidhay dhamaan jidadka baaburta iyagoo tuurayay dhagxaan.

Sidoo kalena waxa ku dhaawacmay 41 kamida booliska gobol Oaxaca iyo 14 kamida booliska federalka dalkasi mexico.

Godoomiyaha gobolkaas mr.Gabino ayaa sheegay inay dadka dhintay ahaayeen dad rayid ah
iyadoo markii hore lasheegay inay qaarkamida boolisku dhinteen balse markii dambe
lasheegay inaan waxba ka jirin booliskana aanay waxba ka dhiman.