Mexico:-Daroogiiste Caan Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Mexico(SLpost)Mid ka mid ah ragga daroogada ka ganacsada ee caanka ka ah dalka Mexico, Joaquin Guzman (El Chapo), ayaa la soo qabtay ka dib markii uu muddo lix bilood ah baxsad ahaa.

150712110833_joaquin_el_chapo_guzman_512x288_ap_nocredit

Nataiijadii waa la gaadhay, waan qabannay. Ereyadaas waxay ahaayeen kuwii madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto markii uu ku dhawaaqayey warka qabashada oo uu Twitterka soo dhigay.

Ciidanka badda ee Mexico ayaa sheegay in ka dib markii ay xog ka heleen shacabka, ay waaberigii jimcaha u dhaceen guri ku yaalla gobolka uu el Chapo ka soo jeedo ee Sinaola.

Rasaas halkaasi la isku dhaafsaday ayaa lagu dilay 5 qof oo la tuhunsanaa, ayadoo 6 kalena la xidhay.

Baxsashadii el Chapo lix bilood ka hor ayaa waxay waji gabax weyn ku noqotay xukuumadda dalkaasi, ayadoo uu ka fakaday mid ka mid ah xabsiga ugu sarreeya Mexico ee aadka loo ilaaliyo. Waxa uu kubaxsaday god uu samaystay.

Muddo waxyar ka badan sannad ayuu xabsigaasi ku jiray ka dib markii la dib loo soo qabtay tobanaan sano oo uu baxsad ahaa.