Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Sii Daysay Sheekh Aadan-Sunne iyo Dhalinyaro la xidhnayd

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xorriyaddooda u soo celisay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada dalka iyo dhallinyaro kale oo muddo laba sanno ah xidhnaa.

Sheekh Aadan-Sunne oo Ciidamada Boolisku xidheen dabayaaqada Sannadkii 2017-kii, ayaa saaka la hor-geeyay Maxkamadda Sare, taasi oo soo saartay Amar ah in la siidaayo Sheekha iyo dhallinyarada.

Go’aankan oo ay maxkamadda Sare gaadhay ayaa loogu ogolaaday Sheekha iyo Dhalinyaradaaasi in xorriyadooda loo soo celiyo, Halka laba kale oo la xidhnaa iyagana Kiiska laga khafiifiyay. Labada dhalinyarada ah ee kiiska loo fududeeyey, ayaa iyagu Balse lama sheegin in Maxkamaddu dambi ku heshay labadaas qof ee kale.

Sheekh Aadan-Sunne ayaa dhawr jeer oo hore Xabsiga la dhigay, hase-yeeshee Markan u danbaysay oo ay qabashadiisu ku beegnayd Dabayaaqadii sanadkii 2017Kii waxa uu ahaa wakhtigii ugu dheeraa ee uu xidhnaado.

Dhallinyarada iyagana xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa xilligii la qabtay ee la xidhay waxa uu Boolisku sheegay inay goob ku taalla Koonfurta Hargeysa ay ku qaadanayeen Tababbar Ciidan.

Xukunkii lagu riday Sheekha iyo Dhalinyarada

Muddo sannad ku dhow oo ay socotay dhegaysiga dacwadda Sheekha iyo dhalinyarada oo la xidhay bishii September 2017-kii xilligaas oo xukuumaddii Siilaanyo dalka haysay, ayaa dhammaantood waxa kiiskooda la soo gunaanaday isla markaana la xukumay bishii August ee sannadkii 2018-kii.

Maxkamadda Gobalka Maroodijeex ayaa Sheekh Aadan Sunne ku xukuntay Shan sannadood oo xadhig ah, halka dhalinyarada oo tiradoodu ahayd 18 oo laba ka mid ahi maqnaayeen xilliga xukunka, lagu riday xabsi u dhexeeya hal sanno ilaa sagaal sanno. Mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa xilligaas la sii daayay kaddib markii uu xukunku ka dhammaaday.

Sheekh Aadan-Sunne ayaa lagu eedeeyey inuu hadallo iyo ficillo liddi ku ah qaranimada ku kacay, kaddib markii uu Masaajid uu qaddiib ka yahay oo Hargeysa ku yaalla ka jeediyey khudbado iyo muxaadarooyin loo arkay inay dhiirri-gelinayeen xag-jirnimada.