Maxkamadda Hargeysa Oo Wasaaradda Daakhiliga U Diiday In Waaran Loo Jaro Laba Saxafi

Hargeysa(Slpost)-Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ka diiday in waaran qabasho ah loo jaro guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keef-keef).

dddd

Sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Isniintii tagay maxkaamdda gobalka Hargeysa iyagoo doonaya in waaran qabasho ah loogu jaro labadaas saxafi ee wargeyska Hubaal, iyagoo masuuliyiintani daba socda war uu wargeysku toddobaadkan ka qoray wasirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade, kaas oo uu nuxurkiisu ahaa in wasiirku xildhibaan ka tirsan beeshiisa uu ka soo jeedo uu ku hambalyeeyay inuu iska sharaxo xisbiga Waddani, isagoo sidoo kale xisbiga Wadadni uu wasiirku ku tilmaamay xisbiga mustaqbalka la isugu imanayo; sida uu wargeysku qoray.

Hase yeeshee maxkamadda ayaa masuuliyiinta u sheegtay in la joojiyay in saxafiyiinta loo jaro waaran qabasho ah, balse la soo gudbin karo dacwadda loo haysto, iyagoo banaanka joogana ay iska difaaci doonaan eedaha loo soo jeediyay.

Waa markii saddexaad ee ay maxkamadaha Hargeysa masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ka diidaan in xabsiga la dhigo saxafiyiin aan weli dacwadooda la dhagaysan, waxaanay arrintani daba socotaa qaraar uu guddoomiyaha maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed soo saaray markii uu xilka qabtay, kaas oo dhigayay inaan saxafiyiinta la iska xidhi doonin, islamarkaana ay is difaaci doonaan iyagoo banaanka jooga.

Geeska Afrika