Maxaa ka Jira in Adolf Hitler uu ku Dhintay Dalka Brazil isaga oo 95 jir ah?

London (SLpost)- Jariidada Dailymail ee ka soo baxda waddanka ingiriiska, ayaa daabacday buug laga qoray noloshii Hitler ee waddanka brazil, kaasoo ku doodaya in Hitler uu ku geeriyooday sanadkii 1984kii tuulo yar oo ku taala xadka Brazil, isagoo 95jir ah.

Buugan oo xambaarsan sawir lagu xaqiijinayo aragtidan, taasoo ka hor imanaysa warkii hore ee rasmiga ahaa ee u dhignaa in Hitler uu isku dhex toogtay baarliin dhexdeeda sanadkii 1945kii, ka dib markii uu ogaaday in jarmalka lagaga adkaaday dagaalkii labaad ee adduunka.

hitlerSimoni Renee Guerreiro Dias, oo ah qoraaga buuga “Hitler in Brazil-his life and his death” ayaa buugeeda ku xustay in hogaamiyahan khalkhalka galiyey ee dunida dagaalada ba’an u horseeday, uu ku soo qaxay dalka Argentine waxaana uu uga gudbay prugway, ka hor intaanu si rasmi ah u dagin waddanka Brazil gaar ahaan gobolka keymaha xoogan leh ee Mato grosso, waxaanu sitay siday gabadhan qoraaga ahi sheegtay maab ay soo siiyeen koox ka tirsan kiniisada Vatican, kuwaasoo talo ku siiyey inay halka uu ku nabad gali karaa ay tahay bartaasi.

Qoraaga buugani ee Simoni waa gabadh u dhalatay dalka Brazil, waxaanay ku sheegtay buugeeda inuu dadkii gobolkaasi daganaa uu u sheegtay in magaciisu yahay Leibzig, balse ay iyaguna ula baxeen duqii jarmalka, dad qaraabadiisa ah oo dagen wadanka Israel ay yimaadeen tuulada Nossa Senhora do livramento, oo aheyd tuuladii uu ku geeriyooday, si ay u qaadaan dheecanka hidde-sidaha ee loo yaqaan DNA, una mariyaan tijaabooyin caafimaad oo lagu xaqiijinayo inuu yahay Hitler iyo inkale, qoraaga buugani waxay ku dooday in sawirka kaliya ee buuga la socda oo ah nin oday ah iyo gabadh, inuu yahay ninku yahay Hitler, gabadha la sawiranina ay tahay gabadhii uu ku qabay tuuladani oo la odhan jiray Cutinga.

SOMALILANDPOST.NET