Maxaa Hortaagan Ictiraafka Somaliland, side baa se Lagu Keeni Karaa? W/Q: Muuse X. Muxumed Guuleed (Muuse Inji)

Waxaan ku tala jiraa hadii ilaahay yidhaa in aan umada Somaaliland u soo bandhigo qormooyin socon doona muddo oo aan kaga hadli doono, maadaama ay Somaliland jirtay muddo ka badan labaatan sano, sababta illaa imika loo ictiraafi laayahay.waxa kale oo aan ka hadli doonaa haddii eebe yidhaa siday ila tahay anniga ee itciraafkaa loo heli lahaa annigoo muddo badan isku mashquuliyay arrimahaa. Waxa ku waajibay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah hadduu yahay aqoonyahan, culimo ama siyaasi inu si qoto dheer uga fakiro waxa ina hortaagan. Marka hore waxaan jeclahay inaan eego taariikhda s/land si loo fahmo qormooyinka soo socda.

Muuse InjiTaariikhda Somaliland waa taariikh qoto dheer marka laga bilaabo wakhtigii nabi muxammed(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) uu ku soo dagay waxyiga quraanku. Sida ay inoo sheegeen culimadeenii waawaynayd ilaahay ha u naxariistee, sannadihii ugu horeeyey ee islaamka ee qureyshtii reer maka si xoog leh ay uga horyimaaddeen nabi maxamed(NNKH) ayuu nabigu u diray wefti ka kooban 13 nin oo uu u diray boqorkii xabishada ee la odhan jiray Axmed Alnajaashi.

Wafdigii waxay ka soo dageen dakada saylac,oo marin u ahayd dalka Ethiopia.

Wakhtigaasi Masaajid lagama dhisi karayn maka, calankana laguma taagi karayn sida ku cad taariikhda saylac,waxay ka dhiseen masaajid yar oo qibladiisu tahay baytalmaqdis.calankii laa illaaha ila laah maxamadun rasuulu laah. dhulkii ugu horaysay ee laga taagay calankaas waxa uu ahaaa Saylac .Waxa kale oo la ogayahay markii illaahay muslimiinta ku amray inay u tukadaan dhinaca maka in magaalada saylac in masaajidkii hore loogu tukan jiray dhinaca baytal maqdas in qibladii kale ee dhinaca maka loo sameeyeyilaa maanta raadkii masaajidka Abu qablateenka lahaa wuu muuqdaaa . Madina ayaa leh masajid qiblateenmeesha labaad waa Saylac(Somaliland).

Waxa kale oo aan ognahay,taariikhda dheer, ee dekada berbera, iyo maydh, ay leeyihiin.waxaa xusid mudan dhammaan qabaa ilka reer somaaliland,in ay awoowyadood ku aasan yihiin ceerigaabo.

Taariikhda somaaliland kuma koobna wakhtigii islaamka oo kaliya,ee waxaa cad in ka badan 6000 kun oo sanadood ay ku duugan yihiin raadadkoodii.

Hadii aad masar tagtid oo aad aragto ahraamta,sawirada ku sawiran ,waxaa aad agoonaysaa in sawirada laasgeel ee taariikhiga ah ee faransiisku heleen, ee ku xardhan gudaha dhagaxa casaha loo yaqaan,ay ka sii qurux badan yihiin kuwa masar.

Sawiradaasi Kuma koobna oo kaliya ee buuraha casahaee min gobolka awdal,ilaa ceergaabo ayaa raadkaas sawirada ahi ay ku xardhan yihiin.

Waxa kale oo Somaliland astaan u ah wanka cad ee madaxa madow,kaas oo culumadu ku tilmaantay inuu yahay, noocii wankii lagu fideeyey ismaaciil, markii aabihii nabi ibraahin u sheegay in la amray inuu gawracoisna ogolaaday.

Markaad u fiirsato dhaqanka dadka reer somaaaliland,waxaa aad arkaysaa in umadaha kale ay kaga duwan yihiin laba arimood oo kuwii diintu ina fartay.

1)Ta hore waxa weeyi shacabka Somaliland ma shaqeeyaan wax ka badan 15% hadana dadku wey nool yihiin oo uma dhintaan gaajo .sababtu waxay tahay dadka ayaa wax is tara oo isa siiya, dadka dibada jooga ayaa ehelkooda wax tara, dadka ayaa isku naxariista waana dhaqan fiican,oo aan lahayn waligeen,waxaanan qabaa in ay tahay asbaabaha ilaahay inoogu naxariisto.

2) waxaan dhaqankeena ku jirin kibirka oo ninka faqiirka ah iyo ka qaniga ahiba meel ayay wada fadhiistaan,aqalka ayay wax ka wada cunaan,astaantantaasina waa dhaqankii nabi maxamed(NNKH) ina faray.

Markaynu taariikhda intaa kooban ku dayno,iyadoo hadaynu sii wad is nidhaa aan bugaag ka buuxin karno.ayaa waxaan gudogalaynaa si kooban habkii uu ku yimi calankan tawxiidku ku qoran yahay.

Waxaa la ogyahay in lixdankii xornimada aan ka qaadanay ingiriiska,1960kii.

Inagoo somaali jacayl ina madax maray,oo ku riyoonaynay in shanta somaaliyeed meel isugu keeno, ayaan la midownay si aan shuruud lahayn xamar,isla sanadkii ugu horeeyeyba xamar ayaa ina liqday,oo waxaa la inagu bilaabay dulmi iyo cadaadiskii iyo xasuuqii la inagu sameeyey ayaa keenay 1982 in la sameeyo dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee xarakadii SNM.

Wakhti badan kumay qaadan SNM inay dib uxoreeyaan S/land oo 1991 ayaa laga saaray Taliskii kalidii taliyihii Siyad barre. waxaa snm illaahay ku ilhaamiyey in calanka dalka lagu xardho tawxiidka, waxaana dib loola soo noqday xornimadii luntay.

Anigoo hore u xusay in calanka tawxiidka leh ay Saylac(Somaliland) ahayd meeshii ugu horaysay ee laga taagay markii islaamku ka soo if baxay maka ayaa mar labaad 18 May 1991 calankii tawxiidka lahaa laga taagay Somaliland.

Hadaba kalmada tawxiidku ee laa illaah ila alaah maxamadu rasuulu laah maxay tahay?

Waa albaabka islaamka laga galo diinta islaamka waa rukunka koowaad, ee qofku markuu islaamayo uu ku dhawaaqo,waa ashahaadadii ruux aan ashahaadana muslim ma noqon karo.

Culumadii ehlu cilmiguna waxay ku tilamaameen tawxiidku waa muftaaxa janada

Calankan tawxiidku ku xardhan yahay, lama dajin karo, hoos looguma dhigi karo,cid dhimatay sida calamada kale.

Calankani waxa uu leeyahay shuruudo u khaas ah oo laga rabo in lagula dhaqmo,lagu ixtiraamo,layskana ilaaliyo in sharafkiisa wax loo dhimo.

Hadaba waxaan jeclahay in saddex bayt oo suugaan ah oo aan u arkay in ay sharxi karaan waxa calankani aanu gayin waxa u banaan iyo sidii uu ku yimid,aan idiin soo gudbiyo.

Ø . calanyahow barwaaqada

Ø baalka sare ku muujee

Ø xidigtaa bidhaantiyo

Ø nabadiyo bushaarada

Ø badhtankiisa lagu dhigay

Ø markuu bilig yidhaahdana

Ø tawxiidkaba bayaanshow

Ø barta aad ku xidhan tahay

Ø balaayadu ka baydhaa

Ø iblayskaa baqooloo

Ø daaqadaha ka boodee

Ø xasadkaa baxsada oo

Ø orod bilig yidhaahdee

Ø fuley weeyi beentuye

Ø baxsi bay sad moodaa

Ø xinku wuu baroortaa

Ø baqashuu dan moodaa

Ø baahi kala dhaqaaqnoo

Ø tawxiidkaa bayaanshee

Ø umadyahay bilkhayr dhaha

Ø barta aad ku xidhan tahay

Ø khayrkaa ka buuxoo

Ø wanaagana u baaqee

Ø bashbashkiyo barwaaqadu

Ø wey ku soo butaacaan

Ø boholyow daraadeed

Ø runtu way badhaadhaa

Ø badhtankay istaagta

Ø Buqcad weeye nuuree

Ø naxariis busayshaa

Ø iyaduna ku biirtee

Ø baahi kala dhaqaaqnoo

Ø tawxiidkaa bayaanshee

Ø umadyahay bilkhayr dhaha

Ø bandiiradaha aduunkaba

Ø adigaa u boqoroo

Ø bilicdana u qaatee

Ø imisaa halyey baxay

Ø qubuuraha ku biiroo

Ø boqolaal kaloo hadhay

Ø naafoobay buuxaan

Ø bulshadoo dadaashoo

Ø ku bakhaylin maalkiyo

Ø boqorkaa ku keenee

Ø madax kugu banaanoo

Ø maamulka u bislaatoo

Ø magacaaga baylihin

Ø Khidmdaa u can baxay

Ø mawlaheenu kugu beeg

Ø baahi kala dhaqaaqnoo

Ø tawxiidkaa badbaadshee

Ø umadyahay bilkhayr dhaha.

Hadaba sida heestan aan u sameeyay calanka ku tilmaamayso, waa inaan is weydiinaa inagu ma ula dhaqanay calankan sidii la rabay in aan ula dhanaqo ee wadankeenu uu barwaaqo u gaadhi lahaa. Jawaabtu waa maya

21kii sano ee calankani ina dul shudhnaa,maalin kaliya ismaynu waydiin,waar maxaa inaga xun ?

Halkee salaadu ka xidhmi laadahay. Waxaynu ula dhaqanay tawxiidkii sidii calamada kale ee dawladahakale dul sudhan, calankani cadaalad ayuu rabaa danyartoo la ilaaliyo ayuu rabaa, dulmiga oo la iska illaaliyo oo aan cidna la dulmin ayuu rabaa, hantida umada oo loo ilaaliyo oon lagu takrifalin ayuu rabaa, ilaahay oo loo soo noqdo ayuu rabaa, wax kasta oo xunoo la iska ilaaliyo rabaa, ummada oo is jeclaata oo walaalowda ayuu rabaa, xasadka, xinka, beenta,iyo fasaadka oo la iska ilaaliyo ayuu rabaa.

Hogaanka dalka ee calankani dulsudhan yahay waxaa laga rabaa, in ay gartaan in calankan ay u khidmeeyaan oo sidii cumar binu khadaab, ilaahay raali ha ka ahaadee, iyo sidii cumar binu cabdulcasiis,ay u shaqeeyaan, dadka baahidooda ogaadaan,oo ay u sinaadaan, ay u dadaalaan,musuqmaasuqa ka ilaaaliyaan. Habeenkii masuuliyada ay hayaan ay ka ooyaan oo ilaahay baryaan in uu ku garab galo in calankan iyo ummada ay masuulka ka yihiin,in ay si fiican ugu xidhmeeyaan waxaan ognahay ,sidacadaaladu u dhimatay, oo ay maxkamada horteeda ummadu uga ooyayso. sida dadkii la dulmay ee calankani dul sudhnaa, ay ugu cabanayaan habeenkii ilaahi Abuuray.

Markii boqorkii ardul xabash,ee abraha,uu ku soo duulay maka,isaga oo wata maroodiyaal,oo doonaya in uu dumiyo xaramka,ayaa quraysh oo madax uu u yahay,nabi maxamed<nnkh> awoowgii cabdul mudalib ay ka shireen arrintii cabdul mudaalib i wuxuu yidhi abraha ma geela qurayshta ayuu qaadayaa?waxay ku jawaabeen maya ee waxa uu doonaayaa in uu dumiyo xaramka. Waxa uu cabdulmudalib yidhi xaramka ilaahay ayaa iska leh oo ilaashanaya, Haddii uunu geela qaadayn waxba inagama galin. taladii qurayshi sidaa ayay ku daayeen, intaa ka dib abraha markuu xagii xaramka u dhaqaaqay ayaa ilaahay sida ku xusan quraanka suurada alfiil uu soo diray shimbro dhagax ku soo tuuray colkii xaramka ku soo duulay oo gamta u joogsaday sidaasi ayaa ilaaheena xaramkiisa ilaashanaayay uu ku badbaadiyay xaramkii haddaba aan eegno cilaaqadka ka dhaxeeya xaramkaa ilaahay ilaashanayo iyo calankan Tawxiidku ku xardhan yahay oo suugaanta ayay somaalidu wax ku fahantaayesaddex bayt aan ku sharxo.

  • Maalintii darnaydee.
  • Dirkii reer qurayshed
  • Duleedkii fadhiisteen
  • Duulimaadka xabashida
  • Markii ay ka doodeen
  • Duqaydii waxay tidhi
  • Xaramkaan duminayaa
  • Dantoodii haday tahay
  • geeleena doonayn
  • inaan deyno weeyee
  • Daa’imkaa ilaashada
  • Shimbir duulaysaa timid
  • Cadowgii duqaysoo
  • Dabar goysay idilkood
  • Taasow daliiloo
  • Xamar wey ku deysoo
  • Ani ima damqaysee
  • Dubaaqaqa yey galin
  • Tawxiidkaa dusheenaa
  • Dabayluhu babinayaan
  • Baawarkaa dahsoon baa
  • Daa imkeenu siiyee
  • Inuu dago ha eegina

Hadaba quraanka ilaahay ayaa ilaaliya sida ku xusan quraanka xaramka ilaahay ayaa ilaashada sidaan hore u xusnay,maxaad hadaba u malayn, kalmada ashahaadada” laa ilaah ila alaah muxamadu rasuulu alaah” oo la inoo sheegay miisaanka ay leedahay.

Waxaa marag ma doona in calankaa tawxiidku ku xardhan yahay ,hadii ay jinka iyo insigu ay isku tagaan inaysan dajin Karin, badali Karin hoosna u dhigi Karin.

Waxaa u garanaya qof kasta oo qalbigiisa in yar oo caqiido imaan ahi ku jirtaa inuu calankaas ilaahay ilaashanayo.

Oo ay xaaraan maqdaca ay tahay in lagu fikiro in intacalankaas la dajiyo harqad buluuki ah lagu badalo, hadaba inta aynaan cid kale doonan inagu aynu is weydiino suaal.

Su’aashasi waxay tahay dadka reer Somali land hadii ay yihiin masuulin, aqoonyahan, culumo,iyo shacaba, magaranayaan qiimaha uu leeyahay calankani?

Jawaabtu waa maya,waxaa loo baahan yahay in inagu aynu ka soo baxno shuruudihii hore aynu u soo tilmaanay . oo aynu ku qanacno in aanu ahayn calan caadi ah.

Qofkasta oo inaga mid ahi waa in uu maankiisa ku hayaa hadaynaan si toosan aynaan ula macaamilin tawxiidkaa dusheena babanaaya in imtixaan rabaani ah aan galayno oo ta imika aan ku jirno ah

Ruux kasta oo masuuliyad hayaana uu ogaado in masuuliyada loo dhiibay tahay mid aad u culus oo aan marnaba aan la mid ahayn masuuliyada wadamada kale harqada marada ahi u tahay calan. Waa in uu ka fakiraa sidii u ugu khidmayn lahaa calankaa tawxiidka leh iyo ummada ku hoos nool haddi aan intaas isla garano oo aan ku dhaqano waxa la hubaa in ay inoo horseedi doonto barwaaqo, bashbash,iyo horumar cidna ayna gaadhi Karin haddaba aynu gudo galno dulucdiiqormooyinkeena ee ahayd maxaa la inoo ictiraafi waayay iyo halkee ictiraafka loo marayaa, ilaa maalintii aan la soo noqonay xornimadeeni sidaynu uraadinaynay ictiraaf , waxaan qabaa in ilaa bilowgii aan dariiq qalad ah u marnay ictiraafka oo meeshii loo mari lahaa laga marin habaabay , waxa ictiraafka aan ka raadinaynay reer galebeedka iyo gaalada marna maynu garan in aan ku leenahay ashahaata oo ictiraafa tawxiidka, waxay la mid tahay markii nabi maxamed(nnkh) uu lahaa Quraysh ashahaata oo ilaahay iyo nabigiisa qira, calan ilaahay ictiraafay ayaan ictiraaf baryaynaa gaalada

Ictiraaf Somaliland ma baryeyso laakiin waxa aan qabaa in dariiqa loo marayaa ay tahay sidan soo socota, maadaama calankani uu yahay calan qaali ah oo aan cidina dajin Karin waxa lala garnaqsanayaa dawladaha islaamka ah oo mid mid loogu tagayaa waxa loo saarayaa arrintaa dad codkar ah aqoonyahano ku xeel dheer diinta islaamka waxa lagula doodayaa hogaamiyayaasha dawladaha muslimiinta in ay fahmaan muqadasnimada calankan ilaahay u dooray Somalilandoo ay tahay arin islaamka oo dhan nusqaanku ah in la yidhaahdo calankan hala dajiyo oo Somaliland hala midoowdo somaliya oo ha la wadaagto calanka harqada marada buluukiga ah waa in ay fahmaan in qofkaan ictiraafsanayn ashahaadada oo rukun ugu horeysa tiirarka islaamka (Arkaanul islaamka) aanu ku sifoobayn islaam.

Calankan ictiraafa aan leenahayna badhtankiisa ay ku xardhantahay ashahaadadu oo ay ku qoran tahay laa ilaah ila alaah moxamudu rasuulu alaah sidaa daraadeedna ay waajib muqadas ay ku tahay inay Somaliland ictiraafaan hawlgalka ugu horeeya waxa laga bilaabayaa dalka jabuuti oo wadan islaama ah oo madaxwaynaheeda ismail omar geele oo aan ku naqaano diinta ku dhaqankeeda nin ku fiican ayaamiiska lala fadhiisanayaa oo qadiyadan calanka Somaliland aan kala doodaynaa oo ahmiyada uu leeyahay u bandhigaynaa, waxa aan u sheegaynaa in aanay suurta gal ahayn in qof ku dhici karaa calankan in la dajiyo aanu jirin, oo uu ilaahay ilaashanaayo sida uu xaramka u ilaashado waxa laga yaabaa in dadka qaarkood iswaydiiyaan madaxwayne ismaaciil cumar Geele awalba sowkii ogaa in calanka uu ku qornaa tawxiidku, inagii uu dusheena sudhnaa ayaan ahmiyadiisa garan oo ay inaga qarsoonayd oo la majara habaabay dariiqii loo mari lahaa.

Dadkuna marka ay doodaan ayay isqanciyaan waxaan ku qancinaynaa wax jira oo xaaran ka dhigaya inaan ka noqono calankaas.

Ruux kasta oo qalbigiisa ay ku jirto in yar oo iiman dhab ihi wuu ka xishoon doonaa in uu yidhaa ictiraafi maayo calankaas iyo dalka uu guud sudhan yahay

Sidaan horeba u xusay madaxwayne Ismacil Cumar Geele waa nin Ehlu dariiqa ah waanay hawlyartahay sida uu u fahmayo qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay tawxiidku waxaanan ku qancinaynaa in haddii aynu nahay Somaliland uu masiirkeeda ilaahay hore u qariray oo uu ku ilhaamiyey in ay calamka LAA ILAAH ILAALAAH MAXAMEDU RASUULU ALAAH lagu qoray laga taagay buqcad Magaalo, Tuule, kasta oo ka mid ah Somaliland oo ay tahay denbi weyn in la yidhaacalaankaas ha la dajiyo . Isna isagoo ilaashanaya islaamnimadiisa ay waajib muqadas ah ku tahay sidii uu ugu hawl gali lahaa weyneynta calankaas ee uu u ictiraafi lahaa isla markaana dunida islaamka uu inagala hawlgali lahaa waxaan ka codsanaynaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu aad uga fikiro arrintaas isaga oo naftiisa inta ay isku keliyeystaan uu dhinac walba ka eego oo ahmiyada ballaadahn ee tawxiidku leeyahay uu ka fakiro kana baaraan dago, waxaan hubaa inuu arrintaas ilaah waafajin doono. Waxaan tobankii sano ee ugu danbeeyay aad iga maqli jirteen Ismaaciil Cumar Geele ayaa ugu hor fahmi doona ahmiyada calankeenu leeyahay oo ugu hor ictiraafi doona horena dhawr jeer jaraaidka waan ugu qoray.

Waxaanan rajeynayaa in arrintaasi suurtoobayso. Waxa inagana la inooga baahan yahay in aan si weyn uga hawlgalno sidii wefdi ballaadhan aan ugu diri lahayn madaxweynaha jabuuti oo arrintaas aan ugu qancin lahayn

Talaabada labaad ee la qaadayo waxa laga bilaabaya Dalka masar. Dalka masar waa dal taariikh dheer oo ka badan kumanaan sano, waa awood dawladaha carbeed. Waxa ku yaal AL-AZHAR oo ah marjaca islaamka waxa masar iyo dalkeena ka dhaxeeya taariikh dheer oo inta ay jirtayba xidhiidh Ganacsi iyo dhaqan ayaa ka dhaxeeyey ilaa wakhtigii Faraaciintu xukumaysay. Waxa taa kuu cadaynaya raadadka iyo qoraalada laas-geel iyo casayaasha dalka k u yaala oo dhan sawirada ku xardhan. Dagaalkii Jamaal abdinaasir lagaley ingiriiskamarkii uu suweys kanaalka xidhay 1956 waxay dad waynaha Somaliland qayb libaax ka qaatay dhinacasuugaanta iyo borobogaandhada, raadyaha iyagoo ku garab istaagaya dawlada masar dagaalka ay kula jireen ingiriiska dalka Masar.Masar waxa ku nool in ka badan 80 milyoon oo qof waxayna ku tiirsantahay noloshoodubiyaha niilka. Waxay warwar weyn ka qabaan in itoobiya iyo ugandha ay ka xidhi karaan biyaha, markii midawgii aan la mahadin aan la galnay 1960 dalka somaliya, waxa xidhiidhkii inaga dhaxayn jiray masar ku qabtey gaanta xukumadihii iskaga danbeeyay xukunkii somaliya. Kalidii taliyhii siyaad barre ayaa si toos ah ugu direy dadkii Somaliland ku noolaa, waxaan ognahay wakhtigii hal-gankii SNM hubka ugu badan waxa siin jirtey siyaad Barre dalka masar, ilaa maantana miinooyinka ugu badan ee dalka laga soo saaraa waa kuwii masar. Waxa masar ay dooneysaa dawlad xoog weyn oo somaliya layidhaa oo iyagu saaxiib yihiin inay ka jirto geeska Africa si biyaha niilka ay ugu ilaaliyaan. Waxaanay masar garan in 80 milyan ee dalkooda ku nool uu ilaahay noloshooda hayo biyaha niilkuna waligood way jireen waanay jiri doonaan . waxa danta masar ay ku jirtaa in saddex dawladood oo kala ah Somaliya, Somaliland iyo jabuuti ay ka jiraan Geeska Africa oo haddii ay isdiidaan somaliya ay ku tiirsadaan somaliland iyo jabuuti. Waxa kale oo danta masar ku jirtaa in itoobiya, ugandha iyo suudaan ay xidhiidh fiican layeeshaan had iyo jeer. Waxaan xasuustaa 1992 ayaa wafti uu wato Alleh ha u naxariistee madaxweynehii u horeeyay ee Somaliland Cabdiraxman Axmed Cali ay yimaadeen Qaahira anigoo wakhtigaa ku sugnaa qaahira. Waxa waftiga ka mid ah Daahir Warsame, Mataan,iyo qaar kale waxa isna waftiga qaahira kaga biirey Alle ha u naxariistee Yaxye haaji Ibraahim. Waxa isna halkaa ku sugnaa oo lataliye u ahaa xoghaya guud ee jaamacada carabta Cabdilaahi Koongo si fiican ayaa loo soo dhaweeyey loolana garnaqsaday waana la is afgartay. Nasiib daro isla markiiba dagaal ayaa ka dhacay Burco dibna looguma noqon Masar. Waxa maanta nasiib fiican ah inuu xukunkii kalidii taliyihii Xusni Mubaarik ee ku milmay kii siyaad barre meeshii ka baxay. Waxa haddaba inagu waajib ah in waffti habeysan oo la garnaqsan kara isla maarkana qadiyadeena ka dhaadhicin kara , tusi karan ahmiyada uu leeyahay calankan Somaliland ee Tawxiidku ku qoran yahay loo diro Masaroo si fiican uga dhaadhicin kara inaanay diidi Karin inay ictiraafaan Somaliland maadaama aanay cidna dajin karaynin calankaas. Waxa kale oo loo baahan yahay in wafdigu ay la kulmaan sheekha AL-AZHAR oo ay ka codsadaan in uu u hiiliyo calankan tawxiidka leh. Haddi marka hore inagu aan fikradan ku qanacno iyaguna way ku qancidoonaan. Haddi aan ilaahey ku tawakulno oo ay inaga soo go’do inaan arrintan ka midho dhalino waxaan ilaahay ka rajaynayaaa in aan ku guuleysan doono. Dalka itoobiya waa dal taariikh dheer oo u hiiliyey nabi Maxamed (NNKHA) wakhtigii uu waxyigu ku soo dagey sidii aan hore ugu xusnay boqorkii Axmed Alnajaashi, waa dal aad inoo caawiyey wakhtigii halgankii SNM ee dib u xorayntii. Waa dal og in aaney Somaliland marna khatari ka imanayn oo saaxiibtinimo dhab ahi inaga dhaxayso. Khatartu had iyo jeer waxay ka iman jirtey dhinaca somaliya. Waxaanan hubaa inay noqon doonaan dawlada labaad ee ku dhawaaqda ictiraafka Somaliland iyagoo og inay taasi iyagana ay tahay dantooda. Dawlada urdun ayaan iyadan u tagaynaa oo ka dhaadhicinaynaa qadiyadeena. Khaliijka waxaan ka abaareynaa dhinaca sucuudiga oo iyaguna calanka tawxiidka lehi uu dul sudhan yahay. Waxaan u diranaynaa wafdi ka dhaadhicin kara waxa inaga dhaxeeya. Waxa kale oo loo sheegayaa wakhtigii ay baahnaayeen ganacsigii inaga dhaxayn jirey. Waxa kale oo loo sheegayaa wakhtigii uu awoowgood Cabdulcasiis wadanka qabsanayey in 30kii darawal ee la dagaal galey ee cadan ka tagey dhammaantood ay ahaayeen reer Somaliland. Waxa laga dhaadhicinayaa maadaama uu boqorkoodu yahay khaadim AL- XARAMAYN inay waajib diiniya ku tahay in uu calankan LAA ILAAH ILA ALAAH MAXAMEDU RASUULU ALAAH u hiiliyo oo danbi ugu sugan yahay haddii uu yidhaa ha la soo dajiyo. Qorshaha anigu aan hayaa waa kaa oo loo sii gudbo Turkiga waxa inaga dhexeeye cilaaqaad aad u daweyn oo mudo ayuu ina xukumayey raadadkii taariikhdiisuna si weyn ayuu dalkeena uga muuqdaa oo dhismayaashiisii Berbera ,Biyihii Dubaar iyo Dawgii Turkiga ee Xeebta uu marayey ayaa ka mid ah . Imika Xukuumada way wada hadleen .markaa waa in si weyn looga dhaadhiciyaa qaddiyadeena iyo ahmiyada calankan ina dulsudhan.Waxa kale oo lootagayaa Indoonisiya, maleeshiya, bakistaan,usbakistaan, iyo dhammaan dalalka muslimka ah. Haddaba qorshahani muxuu ubaahan yahay. Waxa uu u baahan yahay dhaqaale badan. Waxa loo baahan yahay in ay iska kaashadaan xukuumada, ganacsatada, qurba jooga iyo cid kasta oo Somaliland ihi oo sanduuq gar ah oo gacmo aamina ku jira si degdeg ah loo furo. Waa in gudiyo kala duwan oo ay ku jiraan rag taariikhda , cilmiga diiniga ah , siyaasada, oo ilaahay balaaqad siiyey la magacaabo oo la shaqeeya wasaaradda khaarajiga. Wasiir khaarajiga oo kaliya inkasoo uu dadaalo kama midho dhalin karo ictiraafka Somaliland Gudigan waa in ay ku jiraan golaha wakiiladu, golaha guurtidu, culimadu, aqoonyahanadu iyo cid kasta oo la bidaayo inay wax soo kordhin karaan, gudiyadan oo loo bixin doono haddi ilaah yidhaahGUDIGA KA MIDHADHALINTA ICTIRAAFKA SOMALILAND waxa waajib inagu ah in aan ka wada hawl-galno inaga oo aan waxba hagranaynin haday tahay dhinaca dhaqaalaha iyo la shaqayntaba. Waxay arrintani u baahan tahay isku duubnaan joogto ah iyada oo dhinac la iska dhigaayo wax kasta oo khilaaf ah oo ina dhexyaala. Xukuumada waxa waajib ku ah in ay tafo xaydato in si dhab ah loo doono ictiraafka calankan muqadaska ah oo loogu raadiyo dariiqaa saxda ah ee aan tilmaamay. Sidii horeba aan u xusay marka inagu shuruudii u calankan u baahnaa aan fulino hadday tahay cadaalada, sinaanta muwaadiniinta, ku dhaqanka shareecada ee maxkamadaha , ilaalinta hantida qaranka iyo qodobadii hore aan u tilmaamay. Dadka badankoodu waxay u haystaan in ku dhaqanka shareecadu ee maxkamaduhu ay tahay in Gacmaha la is jarayo ama dhagax lagu dilayo, xukunka xadka islaamka lagu fulinayaa waa wax aad looga fiirsado oo hawl yaraan iyadoo wax cad oo markhaatiya oo sugan la hayo mooyaane aan si dheel dheel ah loogu tarki fali Karin. Cadaaladu sharecada ayey ku jirtaa. Waa in culimadii shareecada iyo Axkaamta ku xeel dheeraa loo tababaro wixii siyaasada caalamiga ah ee lagula dhaqmayo aduunka hadday tahay heshiisyada ganacsiga , nabadgalyada iyo dhinac walba oo aan ka hor imanaynin diinta islaamka macaamilkuse waxaan u raacanaa xeerarka inoo yaal . Somaliland waxay ku abtirsatay suna waljamaaca oo madhabta shaaficiga, waxayna rumeysan yihiin in diinta islaamku ay tahay diin nabadgalyo cid walba kula noolaanayso waxaynu dhaxaalnay in aan diinta islaamka aanay cidna ku xadgudbin hadday tahay muslimiinta iyo Gaaladaba cid aan ku soo duulin oo nabadaada waxyeelaysa waa la iska celiyaa , naf waxba aan dhimin cidna xaq uma laha inay disho. Taasi ayaan ku soo caana maalnay imikana aan kula dhaqmaynaa dadka bani Aadanka waxa ilaahay inoo sheegay inuu baniaadaka karaameeyey inaguna cidna karamadiisa meel kaga dhici mayno. cid kasto oo marti nabad galyood inagula joogtana waan nabadgelinaynaa sidii dhaqankeena iyo diintenuba ina faraysay. Waxa la inaga rabaa in calankeena aan habdhaqankaas aan ku dhaqno, waa inaan ogaanaa in aan qaraar adag aan qaadanay markii aan calankaas aan qaadanay oo haddii aan ku xadgudubno shuruudihiisa in aan kala kulmayno imtixaan dhinaca eebe. Bini Aadanku wuu qaldamaa laakiin qaladka waa inaan ka toobad keenaa oo intii karaaankeen ah waa inaan ku dedaalnaa sidii aan ugu khidmeyn lahayncalankaas. Sida aad la socotaan siyaad barre waxa laga qabsaday oo laga eryey xukunkiisina dhacay 1991.

Maantana waxay maraysaa sanadkii 2013. Dalka somaliya waxay meehanaabayeen oo ay degi wayday in ka badan 21 sanadood ilaa manta dadka somaaliya may garan halka laga haysto iyo waxay la degi laayihiin. Bini Aadamka ilaahay wuu imtixaanaa, laakiin marka ay gartaan waxa lagu imtixaanayo ee ay ka toobad keenan ayuu imtixaankaas ilaahay ka dulqaadaa, 21 kaa sanadood xamar waxa lagu dhisayey Dawlada kala danbeeyey. Marka la doortaba madaxdoodu waxay lahayd soomaliweyntu waa muqadas Somaliland marnaba kama gu’i karto soomaliya, kamay fikirin horta Somaliland maxay xornimadedii ay xamar ula tageen ay dib ula soo nodeen? Maxaa ka soo gaadhay midowgii 1960? Sidee loo xasuuqay? Marka taas laga tago hogaamiyayaashii iskaga danbeeyey maamulada soomaaliya gabi ahaan muslimbay ahaayeen oo waliba qaarkood musheekh ayay ahaayeen. Hadana dhamaantood waxay lahaayeen calanka Somaliland badhtankiisa lagu xardhay LAA ILAAH ILA ALAAHMOXAMEDUN RAS UULO ALAAH ha la dajiyo oo Somaliland hala midowdo somaliya. Ninka ama dadka mumin dhab ihi ee jacaylka ilaahay iyo nebigiis Moxamed (NNKHA) ay qalbigooda ku jiraan waxay toos u garanayaan in haddii insiga iyo jinku ay dhammaantood isku yimaadaan in xaaraan ay tahay in calankaas tawxiidka leh in lagu fakiro in la dejiyo waxay iloosan yihiin in sidii hore aan xusay in ilaahay ilaashanayo sida xaramka maka u ilaashado. Waxay garan laayihiin in danbi iyo imtixaan rabaaniya ay ku sugan yihiin. Waxay garan laayihiin imtixaankii halkuu la marayo. Waxay garan laayihiin in ay ka bixi waayeen dagaal iyo burbur joogta ah.

Madaxda dawladahaas xamar isaga danbeeyey oo kaliya ma ahe Dadweynihii somaaliya ayaa iyaguna aad moodaa in ay Tiih ku jiraan oo iyagoo ay ku jiraan culimo badan oo diinta ku xeel dheer iyo Aqoonyahano caqli badan ilaahay siiyey ayaan marna ka fikirin muqadasnimada calanka Dulsudhan Somaliland iyo imtixaanka haystaa halka uu kaga yimid waxa kala oo ay garan waayeen intaa ay ku sugnaayeen Dagaalada iyo burburka in dadkoodu ku soo qaxay ay Somaliland ula dhaqmeen si wanaagsan oo maalkoodii iyo cirdigoodii ay nabad galiyeen maatidoodii la daryeelay haddii ay sharafi jirto abaal weyn ayey Somaliland somaaliya ku leedahay waxaynay ahayd in aan had iyo jeer looguabaal gudin calanka tawxiidka dejiya oo mar kale qasab nagula midooba qofka aan taariikhda la socon waxaan u sheegayaa 1960 ay riyada Somaliland doonaysay ay ahayd in shanta somaaliyeed ay midoobaan xamarna ayna doonayn midowgaas. Somaliland ayaa keentayfikradaas manta riyadii midowga shanta soomaliyeedway dhimatay dibna suurtagal uma aha. Jabuuti markay xornimada qaadatay waxay ogeyd wixii ku dhacay Somaliland markii ay la midoobeen xamar 1960 way kadheregsanaayeen cadaadiskii ku dhacay reer Somaliland sidaa daraadeed ayey dawlad xor ah ay noqdeen oo markaa faransiskii ka tagay ay u dhisteen maamul iyo dal la yidhaa jibuuti caqli ayey arrintaas ku qabeen oo haddii ay la midoobaan somaliya maantamay jireen.

Waxa la wada ogyahay in halgankii SNM ee hubeysnaa iyagoo ku dagaalamaya xaq oo doonaya wanaag iyagoo ilaahay la kaashanaya in dulmigii iyo xasuuqii sida badheedhka ahaa iska dulqaadaan ay sabab u ahaayeen in xukunkii kelidii taliyihii la burburiyo oo laga la wareego markay SNM xoreysay Somaliland cidna kamay aargoosan ee waxay ku dhaqaaqeen in isla markiiba dib u heshiisiin la bilaabo oo dhammaan madax dhaqameedyadii shacabkii la isku odhan jiray Somaliland ay kulmaan oo shir lagu qabto Burco. Halkaasi ayaa lagaga tashaday aayihii Somaliland laguna wada sexeeday haddii ay yihiin madax dhaqmeedadii gobolka Sool, Sanaag bari, Awdal, Togdheer, Saaxil, iyo Maroodi jeexba in lala soo noqdo xornimadii luntay lixdankii cid cid qabsatay may jirin iyadoo raali la kala yahay ayaa go’aanka gooni isku taaga Somaliland la wad gaadhayoo calanka tawxiidku ku xardhanyahay lagu saaray Burco.

Halkaasi ayaa la isku wada saamaxay. Sidaa ayey Somaliland u dhisantay dalkeedu oo nabadgalyadoodiiay sugteen iyagoo ilaahay la kaashaday oo ay ku gaadheen heerka maanta ay ku sugan yihiin waxa walaalahayaga soomaliya ku waajib ahaa in ay ku farxaan dadaalka ay muujiyeen Somaliland oo ay ku bogaadiyaan goni isutaagoda. Waxay ahayd in ay qiimeeyaan sida iyagu ay ku dhaqmeen dhexdooda oo ahayd Aargoosi, dagaalo, xasuuq, wadatashi la’aan iyo degenaansho la’aan ilaa manta ka taagan. Waxay ahayd ila maantana fursad u taagan in ay xaqiiqada istaabsiiyaan oo ay yidhaahdaan walaalayaal Somalilandwaan idinku gafnay calanka tawxiidku ku xardhan yahayna waanu ku gafnay ee waanu idin ictiraafaynaaee nala dhisa anaga dalkayaga oo sidaad dib u hesheesiinta u samaysateen anagana na bara. Markay ictiraafaan Somaliland waxa ala waxay kala hadhi doontaa Somaliland sidii ay ugala shaqayn lahaayeen haday xukuumad tahay, haday shacabka tahay, haday guurti iyo madax dhaqmeed tahay inay kala shaqeeyaan somaliya in ay dib u heshiisiin dhab ah gaadhaan ma jirto. Dawladaha shisheeyaha ihi ma u samayn karaan dib u heshiisiin waxa danta somaaliya ay ku jirtaa in aan iskaashano inagoo ah laba dal oo jaar ah oo jimciyada quroomaha midoobay ku leh laba kursi.

Waxa u socda Somaliland iyo somaaliya wadahadalo ka bilaabmay magaalada London ka dibna markii labaad labada madaxweyne ay ku kulmeen Abudubay waxaase la yaableh in madaxda somaaliya ay tidhaa waxa laga wada hadlayaa dib u midowgii oo somaliweyntu waa muqadas Arrintaais waa waxaan meesha qaban . Somaliland waan ka waramay mawqifkeeda oo lagu noqon mayo oo cid calankan dejin kartaa ma jirto. Somaliland waxay kala hadlaysaa somaaliya kala gurashadii iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa iyadoo la yahay laba dal oo walaalo ah. Xukuumada Somaliland waxa kaliya ee waajib ku ah sidii ay somaaliya ugu qancin lahaayeen in aanay ku sii socon madaxda somaaliya qaladka ay ku jiraan labaatankii sanadood ee uu danbeeyey ee si isdaba jog ah iyagoo iskaga indhatiraya ahmiyada weyn ee calanka Somaliland uu ku leeyahay ilaahay agtiisa iyo inay ku gartaan caqliga ilaahay siiyey oo ay isticmaalaan oo ay ka toobad keenaan oo ay qiraan ln aynu ahayn laba dal oo mar midoobay imikana Somaliland ay la soo noqotayxornimadoodii. Wax kale oo ay Somaliland xukuumadeedu gorgortan kala geli kartaa oo ay la soo qaadi kartaa uma Banaana

Ø Dunidaa aynu Joogno

Ø Daa,imkii ina uumay

Ø Dadwaynii uu Ku beeray

Ø Caqlibuu Uu deeqay

Ø Iyo Diinta Islaamka

Ø Nibiyaanu u Doortay

Ø Waxyuu soo Dajiyey

Ø Dariiqa Toosan ku sheegay

Ø Xaqa Daaha Kafayday

Ø Dulmigii Ka mamnuucay

Ø Gardarana u Diiday

Ø Xumaantii Deedafeeyey

Ø Wanaaguun Dalbanaaya

Ø Cida aan kugu Duulin

Ø Aan dilkiisa Jidaynin

Ø Nabada Aad ugu dooda

Ø Ixtiraamka Daneeysa

Ø Dariskoo Isxaqdhawra

Ø Diinteenaaba Faraysa

Ø Dulqaadbaa u Astaan ah

Ø Dulicdii Aan u baydhee

Ø Somaliland waa dal Xaqiiqa

Ø Tawxiidbaa Dushoodaa babanaaya

Ø Dafiraad meesha ma taallo

Ø Waligii Dagi maayo

Ø Doqonkaan Garanaynin

Ø Nin rag ah daah kama saarna

Ø Dalkastaa wuu ictiraafi

Ø Oo sankaa u daloola

Ø Aniga waa iga Dardaaran

Ø Dawladaa muqdishaadeey

Ø Dibindaabyadda jooja

Ø Darisnimadeena ilaasha

Ø Walaaalayaal aynu isdayno

Ø Oo halaysku duceeyo

Ø Oo Danteena an eegno

Gabagadii iyo gunaandkii waxaan dhamaan dadka reer Somaliland ugu baaqayaa inay ka wada shaqeeyaan meelkasta ha joogaane oo xil layska saaro sidii looga midho dhalin lahaa ictiraafka calanka iyo Somaliland qorshihii loo mari lahaana sidii aniga caqligaygu isiiyey waan idiin soo tilmaamay

Ø Waxaan idiinku ducaynayaa :

Ø Daa,moo ilaahay Dabayl caafimaadoo

Ø Dalka wada masheysoo

Ø Na dawaysa noo keen

Ø Umad Wada dadaashoo

Ø Isku duuban naga yeel

Ø Dahabka buuraha Daadsan

Ø Imiraalka darafkiisa

Ø Rubigaa dacal Jiifa

Ø Bartoolkaa dabalyaala

Ø Dheemantaa dugsanaysa

Ø Biyahaa durduraaya

Ø Rabow manta dilaaci

Ø Meelkastoo degaanba

Ø Oo dalkeena ku taala

Ø Daa,imow kasoo saar

Ø Roobka noo da,siiyo

Ø Dalka noo barwaaqee

Ø Daa,imow ilaahow

Ø Dawlad waad na siisoo

Ø Durba noo dhaqdhaaqdee

Ø Madaxdana dulqaadiyo

Ø Iimaan deeqa noo sii

MUSE XAAJI MUXUMAD GUULEED (MUSE INJI)