Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo Soo Bandhigay Wax-qabadkooda iyo Fadeexado musuq oo Hanti lagu lunsan jiray

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, Wacyigelinta iyo dhaqanka Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf iyo Maareeyaha TV-ga qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa maanta si wada jir ah uga warbixiyey arrimo ku saabsan heshiisyo ay wasaaraddu kula jirtay Shirkado kale oo qaarkood dib u eegis lagu sameeyey iyo talaabooyin horumar ah oo dhinaca Idaacadda iyo Telefishanka ah.

Maareeyaha Tv-ga Qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa ka warbixiyey waxqabadkii TV-ga Qaranka ee mudadii uu xafiiska joogay, waxana uu tilmaamay in la tayeeyey dib u habayna lagu sameeyey barnaamijyada TV-ga , halka sidoo kalena lagu soo kordhiyey labo Studio oo cusub oo laga kala furayo dhowaan dalalka Sweden iyo Maraykanka, kuwaasoo loo dhamaystiray qalabkoodii.

WarfaafintaMd. Gaas waxa uu caddeeyey in ay joojiyeen heshiiskii hore ee shirkadda THAICOM oo lacag aad u badan oo aanu Dalku awood u lahayn ay ku bixi jirtay, isla markaana ay heshiiskii cusboonaysiiyeen ka dib markii wax ka beddel lagu sameeyey, lagana saaray gacan saddexaad oo ku dhex jirtay. “Waxaanu qaranka u badbaadinay oo aanu joojinay lacag badan  oo Satellite-ka lagu lunsan jiray, lacagtaas oo ahayd mid aynaan qaran ahaan qaadi karin, waxaanu dib u samaynay heshiis cusub oo u dhaxeeya dawladda Somaliland iyo shirkada THAICOM. Hedhiiskaas hore ee qaranka dhibta ku hayay waxa saarnayd oo ka badbaaday $24,000 oo Dollar, halka lacagta shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray lacag dhan $ 13000. Lacagta aanu miisaniyada ka reebanay ee shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray waxay dhan-tahay $ 240,000, lacagtaasi waxay ahayd tii khilaafka badani ka dhashay ee aad inta badan maqasheen”

Lacagahan Maareeyaha Tv-ga qaranku soo bandhigay ayaa ah lacagihii uu baadhaayey hanta-dhowrka guud ee qaranka Somaliland, taasi oo ka mid ah waxyaabihii keenay xadhigii agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Tv-ga qaranka oo sabab u ahayd murankii keenay xil ka qaadistii Wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa isaguna ka hadlay talaabooyin ay u qaadeen dhinacyada isku xidhka waaxyaha wasaaradda iyo shaqaalaheeda.

Md Jibriil waxa uu sheegay in si guud loo tayeeyay dhamaan baahinta ka baxda Idaacadda iyo Television-ka Qaranka, kulamo xidhiidh ahna ay la yeesheen shaqaalaha si loo dardargeliyo shaqada ay wasaaraddu u xilsaaran tahay.

SOMALILANDPOST.NET