Masuuliyiinta Ha’yadda Wadooyinka oo daboolka ka qaadey in la dhameeyay Mashruuca EU ee dib loogu Samaynayo Jidka isku xidha Kalabeydh Iyo Tog-Wajaale

Gabiley (SLpost)- Guddoomiye Kuxigeenka Ha,yda Dhismaha Wadooyinka Somaliland ee (Road-Athorty), Xuseen Cabdi Cali ayaa maanta kala qeyb galey Maayarka  Degmada Gabiley, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadra-Xaaji geydh)  dhameystirka wajigii labaad ee dhismaha jidka dhex mara gudaha Magaalada Gabiley, oo maanta intii u danbaysay ee daamurka iyo jeygii lagu shubay.
Jidakaas oo shaqdiisii u danbayasey la gabagabeeya, kadib markii uu hada xidhnaa mudo todobaad ah , oo laga xayirey Gaadiidka dhex mara Gudha Magaalada ayaa, waxa dhameystirkii maanta kahadley Gudoomiye Kuxigeenka Ha,yda dhismaha Wadooyinka ee Qaranka (Road-Athorty),Eng Xuseen Cabdi Cali oo sheegay, in ay u yimaadeen Gabiley sidii ay u eegi lahaayeen tayada daamurka iyo jeyga lagu shubayo dhismaha jidkan gudaha Magaalada taas, oo ay aqoon u leeyihiin islamarkaana, uu yahay
mid tayo leh oo mudo badan anfici doona jidkan.
Waxa kale oo ka waramay dedaalka Maamulka D/hoose ee Gabiley, oo ay hurmuud ka tahay Maayarka Gabiley, taas oo loo baahan yahay ayuu yidhi in ay dadweynaha reer Gabiley wax la qabtaan oo ay is barbar taagaan, isagoo uga mahad celiyay howsha ay gacanta ku hayaan, iyo sida ay uga feejigan yihiin tayadeeda, waxaanu carabka ku dhuftey, in ay dhameys tireen qiimaynyta, jidad laga Sameeyo gudaha Magaalada Tof-Wajaale, islamarkaana mashruuceedii lasoo bixiyay, fib u dhiska jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh.
Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh, oo halkaa ka hadashey ayaa, iyaduna faafaahin ka bixisay wajigii labaad, ee dahmeystirka jidkan gudaha Magaalada Gabiley dhex mara.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net