Marwada Madaxweynaha oo Xadhigga ka Jartay Waddo Laamo ah oo laga Hirgeliyey Degmada Gacan-Libaax

Hargeysa (SLpost)- Marwada Koowaad Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde(Aamina Waris) ayaa maanta xadhiga ka jartay waddo laami ah oo dhan 1 km iyo badh oo isku xidhaysa xaafadaha Sheekh Mubaarig iyo Sheekh Nuur ee Degmada Gacan Libaax Ee Magaalada Hargeysa.

marwada

Munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayo wadadaasi oo lagu qabtay goobta wadadan laga hirgaliyey ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku xiggeenka Amniga ee Wasaarada Arimaha Guddaha, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, La Taliyaha Madaxweyanaha Ee Arimaha Bulshada ,Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargaysa, Taliye Ku Xiggeenka Ciidanka Bilayska, Xildhibaano iyo dadweyanaha xaafadaasi.

marwada2
Wasiir Ku Xiggeenka Amniga ee Wasaarada Arimaha Guddaha C/laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maaraaxilkii kala duwanaa ee hirgalinta wadadani ay soo martay isaga oo sheegay in guud ahaanba wadadu ay dhan tahay 1 km iyo laba boqol oo mitir balse hadda la dhamaystiray 1 km , waxaana uu halkaasi mahadnaq uga soo jeediyey cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgalinta wadadan halka dadweynaha xafadana uu ku booriyey in ay ilaashdaan wadadan.

marwada3Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde(Aamina Waris) ayaa geesteeda xustay sida ay ugu faraxsan tahay hirgalinta wadadan iyada oo ku tilmaantay in wadadani tahay mid muujinaysa faa’iidada iskaashiga iyo waxa wada qabsiga iyadoo si gaara ugu mahaqnaqday cid kasta oo ka qayb-qaadatay wadadan gaar ahaana guddida xaafadahaasi oo u guntaday sidii wadadan laamiga ah u hirgalin lahaayeen .

Marwada4Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje), xildhibaano iyo cuqaal waxaana dhamaantood iftiimiyeen qiimaha wada jirka iyo wax wada qabsigu leeyahay.

Somalilandpost/Hargeysa