MARAYKANKA: Xeer-beegti Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Masuul hore uga tirsanaan jiray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Washington (SLpost)- Mas’uul hore uga tirsanaa Xukuumaddii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo soo magacaabo ka dib Guushii doorashada ee Xisbiga Kulmiye, kaas oo Maxkamad ku taala dalka Maraykanka in muddo ah ay uga socotay dacwad la xidhiidha inuu qayb-ka-qaatay fal-dambiyeed budhcad-badeednimo ah, ayaa kiiskiisu jaah-wareer ka abuuray garsooreyaasha kiiskiisa gacanta ku haya iyo xeer-ilaalinta ku oogtay kiiska loo haysto.

Sida ay faafisay wakaaladda Wararka ee AP, Xeer-ilaaliyeyaasha Maraykanka ayaa la sheegay inay u maaro-waayeen eedo iyo ka qeybqaadasho fal-dambiyeed la xidhiidha budhcad-badeednimo loo haysto nin Soomaali ah oo turjubaan u noqday Koox bad-jiif ah iyo Markab ganacsi oo laga lahaa dalka Denmark, kaas oo sannadkii 2008-dii lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.

Cali Maxamed CaliNinkan kiiskan loo haysto oo ahaan jiray Agaasimihii Guud ee u horreeyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, laguna magaacaabo Cali Maxamed Cali (Cali-Caliyow), wakhtiganna ku xidhan dalka Maraykanka, ayaa bishii hore xeer-beegti ka arriminaysay laba eedood oo loo haysto ay ku guul-darraysteen inay go’aan ka gaadhaan, taasoo ka dhigan in lagu waayey eedaha halista ah ee budhcad-badeednimo, balse Wasaarada Cadaaladda ee dalkaasi, ayaa la sheegay inay dalbanayso in maxkamad dib loogu saaro eedaha xeer-beegtidu ay go’aanka gaadhi kari waayeen.

Garyaqaan u doodaya eedaysanahan oo lagu magacaabo Matthew J. Peed, ayaa diiday in mar labaad maxkamad la saaro,isagoo ku dooday haddii eedaha la soo oogayo ay caddeymahii hore ku qotomaan, in mar labaad lagu gafayo eedaysanaha, isagoo diidmadiisan u daliishaday kiis noocan oo kale oo Maxkamada sare ee Maraykanka hore go’aan uga soo saartay.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Degmada Columbia ee Caasimadda Maraykanku ka tirsan tahay, ayaa maalintii Sabtida ee dorraad shaaca ka qaaday inay dib u darseen eedaha loo haysto Cali, isla markaana go’aansadeen inay ka hadhaan ku soo oogidda eedo dambe.

“Waxaan ku taagan nahay go’aankii ugu horeeyey inaan keeno cadeymaha eedaha loo haysto Cali oo cadeymahiisi wata, balse maadama nidaamkeenu adeegsado xeer-beegti ilaa ay ku qancaan eedaha aan waxba loo raaci Karin,” sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer-ilaalinta degmada Columbia oo ay baahisay wakaaladda Wararka ee AP.

Kiiska loo haysto eedaysanahan oo in muddo lagu qaadayey maxkamadaha degmada Columbia, ayaa ubucdiisu ahayd sidii lagu kala ogaan lahaa inuu eedaysanuhu ahaa turjubaan ku shaqeynayey codsiga budhcad-badeedka iyo inuu la shaqaysanayey budhcad-badeedka.

Cali Maxamed Cali (Cali-Caliyow) ayaa ka hor inta aanu Agaasime Guud ka noqon Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxa la sheegay inuu fuulay markab budhcad badeed afduubteen sannadkii 2008, kaas oo lagu sii daayey madaxfurasho gaadhaysay $1.7 milyan, isaga oo wakhtigaas la sheegay inuu turjubaan ahaan iskugu xidhayey kooxda Budhcad-badeedka ah iyo Cidda Markabka iska lahayd.

Masuulkan ayaa isaga oo xilka wasaaradda Waxbarashada haya dhowr jeer looga yeedhay Laanta Dambi-baadhista Ciidamada Booliska, iyada oo wax laga weydiinayey tuhunno la xidhiidho xogo loo soo gudbiyey ciidamada Amniga ee Somaliland.

XUQUUQDA WARKA: Wargeyska HIMILO