Maraykanka oo ku hanjabay inuu cunaqabateynayo Ruushka

USA(SLPOST)Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo khadka taleefonka kula xadhiidhay dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Puttin, ayaa ku hanjabay in Maraykanka uu cunaqabateyn kusoo rogi doono dalkaasi Ruushka hadii dalkaasi uu la wareego gobalka Crimea ee Ukraine.

obama_telfon-348x180

Hanjabaada Maraykanka ayaa la xadhiidha aftidii laga qaaday gobalka Crimea oo ay wadamada reer Galbeedka ku tilmaameen mid sharci daro ah isla markaana ku xad gudbaya madaxbanaanida iyo Qaranimada dalkaasi Ukraine.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa si buuxda u qaadacay natiijada aftida oo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn, Maraykanka ayaa sheegay in ay cunaqabateyn horleh la saari doono dalkaasi Ruushka.

Puttin_telefon1

Balse Dowlada Ruushka ayaa hore uga digtay cunaqabateyn ay sameeyaan dalalka reer Galbeedka, wuxuuna Madaxweynaha Ruushka Puttin ku hanjabay inay la wareegi doonaan oo ay Qarameyn doonaan dhamaan hantida Midowga Yurub iyo Maraykanka ka

Syaal dalkaasi Ruushka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland