Maraykanka iyo Midowga Yurub oo Cuna-qabatayn ku soo Rogay gobolka Crimea ee Ruushka ku biiray

Simferopol (SLpost)- Baarlamaanka Crimea ayaa ansixiyey qaraarka madaxbanaanida iyo ku biiritaanka dalka Ruushka ka dib aftidii shacabka laga qaaday, halka Midowga Yurub iyo Maraykanku ku soo rogay cuna-qabatyn madax ka tirsan Crimea iyo Ruushka.

Ka dib aftidii Axadii, baarlamaanka Crimea ayaa u soo jeediyey “Baarlamaanka federaalka Ruushka inuu aqbalo sidii jamhuuriyadda Crimea u yeelan lahayd meqaam jamhuuriyadeed,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay.

Natiijooyinkii hordhaca ee tirinta codadkii aftida ayaa muujinayey in boqolkiiba 96.7 shacabka Crimea u codeeyeen ku biiritaanka Ruushka, sida gudoomiyaha Komiishanka codeyntaa Mikhail Malyshev, sheegay shalay.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka ayaa la filayaa inuu meelmariyo xeer ogolaanaya in Crimea ku soo biirto Ruushka maalmaha soo socda, sida wakaalada wararka Ruushku ka soo xigatay ku-xigeenka baarlamaanka Ruushka. “Natiijooyinka aftida ee Crimea waxay muujisay sida shacabku u doonayaan inay qeyb ka noqdaan Ruushka,” ayuu Sergei Neverov sheegay.

Dhinaca kale, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa qaaday talaabooyin cuna-qabatayn lagu saarayo masuuliyiin ka tirsan Crimea iyo dalka Ruushkakulan qaatay muddo saddex saacadood oo wasiirada Khaarajiga 28 wadan oo Midowga Yurub ka tirsan yeesheen shalay ayey ku go’aamiyeen, Cuna-qabatayn, xadidaada socdaalada iyo xanibaada hantidoda 21 masuul oo ka tirsan Ukraine iyo Ruushka,” ayaa lagu sheegay fariin wasiirka Khaarajiga Lithuanian Linan Linkevicius ku baahiyey bartiisa Twitter. Isagoo raaciyey. “Talaabooyin kale ayaa maalmaha soo socda la qaadi doonaa.”

Wadanka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay talaabooyin cuna-qabatayn xanibaada hantidooda oo Madaxweyne Obama sheegay inuu ku soo rogay dalka Ruushka iyo Crimea, saamaynaya masuuliyiin ay ka mid yihiin Raysal-wasaaraha Crimea Aksjonov of Crimea iyo Raysal-wasaare-xigeenka Ruushka Dmitry Rogozin, oo madax u ah warshada hubka Ruushka.

Maraykanka iyo Midowga Yurub saraakiil ka tirsan ayaa sheegay inaanay macquul ahayn talaabo milateri oo ku waajahan Crimea, oo Midowga Soofiyeetigu ku wareejiyey Ukraine 60 sannadood hortood.