Mandheera Oo lagu Dilay Haweenaydii Godka Ku Aastay Haweenayda Kale iyo Wiil Ay Dhashay

Mandheera(SLpost)-Xukuumada Somaliland ayaa dil qisaas ah ku filisay haweenaydii dhawaan godka ku xabaashay haweenayda kale iyo wiil ay dhashay.

Sida oo kale waxa dilkan ku wahelinaayay nin isaguna la sheegay inuu Buuhoodle ku dilay nin kale, waxa sidan u xaqiijiyay warbaahinta xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen marxuumada hore ay haweenaydani u dishay.

Xukuumada Somaliland ayaa haatan dil qisaas ah ku fulisay 13 ruux oo dilal kala duwan gaystay, waxaana xabsiyada ku jira gacan ku dhiiglayaal aad u tiro badan oo dil ay maxkamaduhu ku xukumeen, dhawaan ayuu midawga Yurub Somaliland ku canbaareeyay dilka qisaasta ah ee ay fuliso.