MAKKAH: Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Xujaajta oo sii korodhay iyo Waddamada ay u dhasheen qaarkood oo la shaaciyey (SAWIRRO)

shilka xaramka (2)Mecca (SLpost)- Ilaa Inta la ogyahay 107 Qof oo xujaaj ah ayaa ku geeriyooday in ka badan 230 oo kalena way ku dhaawacmeen gudaha Masjidka Xaramka ee magaalada Makka, kaddib markii uu ku soo dumay Wiish lagu dhisayey qaybo ka mid ah masaajidka oo la dhisayo.

Shilkan oo dhacay Jimcihii shalay abbaaro 5:30-kii galabnimo xilli ay dadku u diyaar-garoobayeen Salaaddii Maqrib, waxa sababay dabaylo iyo roobab xooggan oo is-wata oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka Sucuudiga, waxaanay ku soo beegmaysaa iyadoo magaalada Mecca ay ku qul-qulayaan xujaajta muslimiinta Adduunka ee soo gudanaya waajibka Xajka.

shilka xaramka (4)Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Sucuudiga, tirada dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashay shilkan, ayaa sii kordhaysa, iyadoo taas lagu sababeeyey in wakhti yar kaddib markii shilkani dhacay ay dabaylo xooggan iyo roobab aan hore loo arag ku dhufteen magaalada Makka. Xawaaraha dabaylaha ayaa lagu sheegay inay saacaddii jarayeen 83KM.

Dowladda Sucuudigu ma shaacin magacyada iyo waddamada ay ku dhasheen dalka ku geeriyooday Shilkan, balse Duqa Magaalada Mecca Khalid al-Faysal, ayaa amray baadhitaan deg-deg ah oo lagu sameeyo dhacdada.

shilka xaramka (6)Sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dalka Masar, 12 ka mid ah muwaadiniinteeda waajibaadka Xajka soo gudanayey, ayaa ku dhaawacmay shilkan. Sidoo kale, warar laga helay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya, ayaa sheegtay inay shilkaas kaga dhaawacmeen 9 ka mid ah muwaadiniinta u dhashay dalkaas.

Dalka Pakistan, ayaa sidoo kale Xaqiijiyey in 14 Qof oo muwaadiniintooda ahi ku dhaawacmeen shilkaas. 25 Qof oo u dhashay dalka Bangaladesh, ayaa ku jira dadka ku dhaawacmay shilka. Sidoo kale, warbaahinta dalka Malaysia ayaa laga soo xigtay in dadka dhaawacmay ay kaga jiraan 6 qof oo dalkaas u dhashay.

Magaalada Mecca ayaa xilligan isu-diyaarinaysa qaabilaadda Muslimiin tiradoodu gaadhayso 2 Milyan iyo Dheeraad oo qaarkoodna hore ugu sii sugnaayeen, kuwaas oo gudanaya waajibaadka Xajka oo muddo dhowr iyo toban maalmood ahi ka hadhsan yihiin.

shilka xaramka (1)Dowladda Sucuudiga, ayaa sannadkii hore bilowday dhismayaal lagu ballaadhinayo masaajidka Xaramka, si loo suurto-galiyo inay sannadkii mar kaliya Waajibaadka Xajka soo gudan karaan Muslimiin tiradoodu gaadhayso 2.2 milyan.

Sannadkii 2012-dii waxa waajibaadka Xajka mar kaliya gutay tiro muslimiin ah oo ku dhow 3 milyan, waxaanay masuuliyiinta dowladda Sucuudigu ku dedaalaysay inay hoos u dhigto tiradaas.

Shilkii ugu dambeeyey oo sannadkii 2006-dii ka dhacay gudaha Xaramka, waxa ku dhintay 346 kaddib markii uu la dumay Biriish ku yaala agagaarka Xaramka. Haseyeeshee shilkii ugu dhimashada badnaa ayaa dhacay sannadkii 1990-kii, wakhtigaas oo ay geeriyoodeen 1,426 xujaaj ah, kaddib markii uu ku dumay Dhisme dhulka hoostiisa ah oo ku yaala gudaha magaalada Makkah.

shilka xaramka (1) shilka xaramka (7) shilka xaramka (6) shilka xaramka (5) shilka xaramka (3)