Magacyada Lix Qof Oo Soomaali Ah Oo Argagixisanimo Loogu Xidhay Minnesota

Minesota, (SLP)- Sarakiisha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay lix qof oo gobolkaasi ka soo jeeda inay isku dayeen inay u safraan dalka Syria si ay ugu biiraan ururka ISIS.

Sida lagu sheegay eedayntan oo la soo bandhigay, raggan ayaa loo haystaa inay maleegayeen iskuna dayeen inay taageero maadi ah siiyaan urur argagixiso oo shisheeye.

War ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota ayaa lagu sheegay magacyada raggan dacwadda lagu soo oogay, kuwaasoo kala ah:

  • Maxamed Faarax
  • Cadnaan Faarax
  • Cabdiraxmaan Daa’uud
  • Guuleed Cumar,
  • Hannad Muuse iyo
  • Zakariye Cabdiraxmaan

Raggan ayaa warbixinta lagu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen, Cabdi Nuur, oo ah nin u tashkiiliya argagixisada dhalinyarada reer galbeedka ah.

Raggan ayaa la sheegay inay doonayeen inay u safraan Syria, iyagoo ka duulaya garoomada San Diego iyo New York City, balse hay’addaha ammaanka ayaa ka hor joogsaday socdaalkooda.

Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota, Andrew M. Luger  ayaa sheegay in xataa iyadoo la horjoogsaday raggan inay safraan ay hadana isku dayeen siyaabo kale oo ay dalka kaga dhoofaan.

Gobolka Minnesota oo ah gobolka Soomaalida ugu badan Mareykanka ay ku nooshahay ayaa horee waxa uga tagey dhalinyaro badan oo ku biiray, Ururka Al-shabab ee Soomaaliya, iyo ururka ISIS ee ka dagaalama Ciraaq iyo Syria.

Somalilandpost.net