Madaxweyne Siilanyo oo tacsi U Diraya MARXUUM SALEEBAAN XAAJI CALI KOOSHIN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Suldaan Cismaan Xaaji Cali Kooshin iyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, oo ku tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM SALEEBAAN XAAJI CALI KOOSHIN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay Shalay 14/09/2011 Isla Magaalada Hargeisa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse) 

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.