Madaxweyne Siilanayo oo Tacsiyeeyay Marxuum Cabdilaahi Suufi Abokor (Aw-Biixi) oo maanta Hargeya ku Geeriyooday

madaxweyne-siilaanyo3Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdilaahi Suufi Abokor oo ka mid ahaan jiray Golaha Wakiillada Somaliland, kaas oo maanta magaalada Hargeysa ugu geeriyooday Xannuun uu in muddo ah u jiifay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo xambaarsan dhambaalka Tacsida ee Madaxweyaha, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM CABDILAAHI SUUFI ABOKOR (AW BIIXI) Oo ka mid ahaa odayaashii waa weyna ee ka soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo hub ka dhigistii  ciidamada lagu sameeyey.

 sidoo kale waxa uu marxuumku ku biiray 1997 kii golaha wakiilada oo uu ka mid noqday xildhibaan ka tirsan golaha, isaga oo intii uu ku jiray golaha ka shaqeeyey sidii loo dhawri lahaa nabada iyo jiritaanka qaranka.

Marxuumka oo beryahaaba xanuun u jiifay dalka ayaa ku geeriyooday Caasimada Hargeysa 21.05.2013 laguna aasi doono xabaalaha naaso hablood 22.05.2013.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”