Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timi Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka tacsiyeeyay shacbiga Somaliland geerida ku timi Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi, waxaanu marxuumka uga baryay inuu alle janooyinkiisa ka waraabiyo

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa guud ahaan bulshada Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Mujaahid door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee qaranka Somaliand loo soo galay, qayb-weyna ku lahaa dib-u-dhiska dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland, sidoo kalena caan ku ahaa kubbadda cagta, kana mid ahaa golihii wakiilada ee lagu aas-aasay Golaha.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.