Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka iyo Golaha Wakiillada ka tacsiiyey Geerida Marxuum Xil. Aadan Tarabi Oogle, Kana Qayb-galay Aaskiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida Somaliland oo uu ka taciyadaynaayo geerida ku timid XILDHIBAAN AADAN TARABI Ogle oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Aaska xildhibaanka (1)Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumkaasi, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta (22/01/2013).

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Aaska xildhibaanka (3)Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ka qayb galay aas balaadhan oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuun Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle ,Waxaa kale oo aaskan ka qayb galay Shirgudoonada Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida,Xildhibaanada labada aqal,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Siyaasiyiin, Aqoon yahano,Madax dhaqameed,Culimaa-udiin iyo dadweyne tira badan dhamaanba Madaxdii aaska ka hadashay ayaa ku dheeraaday Taariikhda Marxuunka,iyo Doorkii uu ka soo qaatay Halgankii Dibu xoraynta Wadanka,dib u dhiskii,iyo horumarka ay Somaliland Gaadhay.

Aaska xildhibaanka (4)Waxaanay Marxuunka Eebbe uga baryeen inuu Naxariistiisii Jano ugu deeqo Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

SOMALILANDPOST.NET