Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Shaaciyey 100-ka Qof ee Mutaystay Shahaado Sharafta Barnaamijka Qiimee Qofkaaga

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Shahaado-Sharafyo lagu guddoonsiiyey Shakhsiyaad loo doortay inay Bulshada ugu mudan yihiin.

Qiimee QofkaagaMunaasibadda oo ahayd gunaanadka Barnaamijka ‘Qiimee Qofkaaga Si aad Qiimo u Yeelato’ oo sanadkii u dambeeyay oo dhan uu waday muwaadin reer Somaliland ah isla markaana bulshada warbaahinta u marinayey su’aalo la xidhiidha qofka ay u arkaan inuu bulshada wax ku soo kordhiyey.

Prof SaleebaanBarnaamijka qiimaha qofkaaga oo uu soo diyaariyey Rashiid Sulub Caalin, ayaa waxa uu shahaado sharafyo guddoonsiiyey dad gaadhaya 100 qof, kuwaasi oo ay ku jiraan dad uu u xushay inay yihiin dadka ugu qiimaha badan, uguna mudan ee uga soo baxay jawaabaha uu bulshada ka helay.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo madashaasi ka hadlay, isaga oo ka mid ahaa shakhsiyaadka lagu soo daray barnaamihka qiimee qofkaaga ee abaal-mari nta la siiyay ayaa uga mahadnaqay muwaadinka barnaamijkan soo diyaariyey masuuliyadda baaxadda leh ee uu iska saaray inuu bulshada u soo bandhigo xulshada Shakhsiyaadkooda ugu mudan.

“Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin ooh awl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Somaliland oo munaasibadda ka hadlay.

Faadumo SiciidMadaxweyne Axmed Siilanayo oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay. Waxay ila tahay qara walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dal lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa.

Waxa kale oo mar walba la baahan yahay inaynu maskaxda ku hayno haddii qaranimadeenna, wada jirkeena iyo midnimadeena, ilaalinta nabad-gelyadeena iyo wada jirkeena ilaalino oo dalkeenu noqdo mid aynu ku faano qaranimadeena iyo xoriyad doonkiisa oo aynaan xumaantiisa uun aynaan raadin oo aanay saxaafaddeenu had iyo jeer xoriyad madax banaan ayay haysataaye’. Markaa waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay ku shaqeeyaan oo baahiyaan.”

Wasiir XirsiBarnaamijka qiimee qofkaaga oo dadka ku soo baxay ay isugu jireen Abwaanno, Culimo, siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed iyo shakhsiyaad hore geeriyooday, waxaana ka mid ah dadka shahaado sharafta la gudoonsiiyey, Madaxwayne Siilaanyo, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Abwaan Hadraawi, Sheekh Dirir, Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Edna Aaden Ismaaciil, Faadumo Siciid iyo dad kale oo badan.

SOMALILANDPOST.NET