Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi Heer Qaran ah u magacaabay Qaban-qaabada Aaska Marxuum Gaarriye

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Md Axmed Saleebaan Dhuxul, guddidani waxa ay ka kooban tahay 10 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.

Digreetada Madaxweynuhu ku magacaabay guddidan, waxa uu kula dardaarmay inay Si heersare oo maamuus ku jiro u diyaariyaan Aaska Marxuumka in kasta oo aan la shaacin wakhtiga Maydka la keenayo magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweyne Siilaanyo

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Gudi heer qaran ah ka kooban 10 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Abwaano, Aqoon yahano iyo Maayarka Caasimada Hargeysa u magacaabay inay noqdaan Gudida Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaana Gudoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane, Abiib  Diiriye Nuur (Abiib Timacad)

Gudigaasina waxay kala yihin:-

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta        Guddoomiye Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada                 Xubin                            Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Duulista  Hawada               Xubin                          Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga                     Xubin                          Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga                   Xubin                          Hargeysa

Ku:      Maayarka Caasimadda Hargeysa                            Xubin                          Hargeysa

Ku:      Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye                                   Xubin                          Hargeysa

Ku:      Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa                     Xubin                          Hargeysa

Ku:      Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi                              Xubin                          Hargeysa

Ku:      Abwaan xasan Ganay                                                Xubin                          Hargeysa

Ujeedo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Gaariye

Mudanayaal,

Sida aad ka warhaysaan waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo taariikh mug-weyn ku leh jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunkan.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net