Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne ku dhaqan geliyey In laga bilaabo taariikhda maanta oo ay bishu tahay 27/09/2012 laga dhigay Hay’addaha Korontada Berbera iyo Hargeysa Wakaalado hoostaga Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta.
Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:-
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay; Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay; In baahi weyn loo qabo dardargelinta, maamulka iyo hawlaha
horumarineed ee Hay’addaha Korontoda,
Markuu tixgeliyey; Talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan,
Markuu Tixgeliyey; Ahmiyadda weyn ee Hay’addaha korontadu ugu fadhiyaan
dhismaha Qaranka,
Wuxuu soo saaray Xeerkan
In Hay’addaha korontada ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa la hoosgeeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta; xisaabta iyo dakhliga wakaaladdahaasina ay ku dhacayaan qasnadda dawladda Dhexe, kharashkuna u soo noqdo si waafaqsan nidaamka xisaabaadka dawladda dhexe.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net